Xukuumadaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ku kala saxiixday Magaalada Istanbul heshiis dhinaca ciidamada ah

Axad, May 23, 2010 (HOL) − Dalalka Soomaaliya iyo Turkey ayaa kala saxiixday heshiis dhinaca ciidamada ah, iyadoo Madaxda dalka Turkey ay sheegeen inay gacan ka siinayaan Dowladda Soomaaliya tababarka ciidamada iyo qalabeyntooda.

Heshiiskan ayaa waxaa Soomaaliya u saxiixay Danjiraha dalkaas u fadhiya Hilaal Maxamed Aadan iyadoo dhanka dalka Turkey uu u saxiixay Gen. Mehmet Cetin, iyadoo heshiiskan uu ahaa mid ka madaxbannaan shirka ka socda dalkaas.

Iskaashigan oo dhigaya in dowladda Turkey ay qayb ku yeelato tababarka ciidanka Soomaaliya ayaan la sheegin xilliga uu rasmi ahaan u bilaabanayo, iyadoo labada dhinac ay isku afgarteen qodobbada heshiiska.

"Dowladda Turkey waxay diyaar u tahay inay ciidamada Booliiska iyo kuwa Milateriga Soomaalia ay tababar siiso mar walba oo loo baahdo" ayuu yiri Ra'iisul wasaaraha Turkey Recep Tayyip Erdogan oo saakay saxaafadda kula hadlay Istanbul.

Madaxweyaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ka dalbaday madaxda dalal badan oo uu kula kulmay dalka Turkey inay gacan ka siiyaan Dowladdiisa sidii ay uga bixin lahayd dalka dhibaatada raagtay ee uu ku jiro.

Sheekh Shariif ayaa la kulmay Madax ka socda Talyaaniga, Faransiiska iyo dalal kale oo daneeya arrimaha dalka Soomaaliya, waxaana dhamaantood uu ka codsaday inay gacan-siiyaan Dowladdiisa si ay u soo celiso ammaanka dalka.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected] 
Muqdisho, Soomaaliya