Axad, May 23, 2010 (HOL) − Wasiir u dowlaha Wasaaradda Difaaca Soomaaliya Sheekh Yuusuf Maxamed Siyaad (Indhacadde) ayaa sheegay maanta in Dowladda laga qabsaday deegaanno ku yaalla Waqooyiga Muqdisho, balse ay dib ugu laabteen.
Sheekh Yuusuf Indhacadde oo shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in ciidamada Dowladda markii ay waayeen hubkii ay ku dagaalami lahaayeen ay isaga soo baxeen aagaggii ay kaga sugnaayeen degmooyinka waqooyi ee Muqdisho.
"Dowladda waxaa laga qabsaday qayb ka mid ah degmooyinka Waqooyiga Muqdisho waxaana mas'uul ka ah Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid oo xubno xukuumaddiisa ka tirsan ay ciidamada u diideen hubkii ay ku dagaalami lahaayeen" ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indhacadde.
Wsiir u dowluhu wuxuu sheegay in ciidamadooda ay abaabul dambe oo ay sameeyeen ay ka saareen kuwa Xarrakatul Shabaab degmooyinka Waqooyiga, isagoo sheegay in haddii musuqmaasuqa uu sii socdo ay imaan doonto in dowladda oo dhan afka ciidda loo daro.
Mar uu ka hadlayay shirka Istanbul iyo heshiis ay kala saxiixdeen Dowlada Soomaaliya iyo Dowladda Turkiga oo lagu tababarayo ciidamada Soomaaliya ayaa sheegay inuusan waxba kala socon, balse uusan ku talinayn in ciidamo kale loo tababaro Soomaaliya.
"Ciidamo dambe oo Soomaaliya loo tababaro looma baahna, waayo haddii lasoo tababaro waxay ku biirayaan Xarrakada Al-shabaab iyo Xisbul Islaam, caalamku waa inay tayeeyaan ciidamada hadda jooga ayna bixiyaan mushaarkood intii kuwo cusub ay tababari lahaayeen" ayuu yiri Sheekh Yuusuf Indhacadde.
Shirka Jaraa'id ee Sheekh Yuusuf Indhacadde ayaa kusoo beegmay xilli dagaallo ay ku dhinteen dad badan saakay iyo xalay ay ka dhaceen Waqooyiga iyo Koonfurta Magaalada Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
SHEEKH YUUSUF INDHACADDE: "Ciidamada Dowladda waxaa laga qabsaday dhul badan, waxaana mas'uul ka ah Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya"
More News
- Koob lagu xusayay sanadguuradii ururkii SYL oo lagu qabtey magaalada London
- Maamulka Ururka Xisbul Islaam oo shaqadii ka joojiyay dhamaan Hay'addaha Samafalka ka howlgala Magaalada Beledweyne
- Shacabka reer kismaayo oo cabasho ka muujiyay lacagaha ay dhawaan soo Daabacday Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
- Dagaallo beeleedyo khasaare badan geystay oo ka dhacay deegaannada ka tisran Gobolka Bay
- Guddiga doorashooyinka Baarlamaanka oo muddo kama-dambeys ah u qabtay xubnaha isku sharaxaya xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka
- MADAXWEYNE SHEEKH SHARIIF: "Beesha Calaamka waa inay balanqaadka hadalka ah u badalaan ficil ayna taageeraan Dowladda Soomaaliya"
- Xukuumadaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ku kala saxiixday Magaalada Istanbul heshiis dhinaca ciidamada ah
- Dagaalo iyo duqeymo xalay iyo saakay ka dhacay Muqdisho oo sababay dhimasho iyo dhaawac gaartay Shacabka
- Dadaallo lagu samata bixinayo hatidii saarneyd gaari Xamuul ah oo ku dhacay Buudada Liqliqato (Daawo Sawirada)