Guddiga doorashooyinka Baarlamaanka oo muddo kama-dambeys ah u qabtay xubnaha isku sharaxaya xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka

Axad, May 23, 2010 (HOL) − Guddiga doorashada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waqti kama-dambeys ah u qabtay xilliga ay codsiyada soo gudbin karaan Murashaxiinta xilkan u taagan, iyagoo sheegay in markaas kaddib la go'aamin doono doorashada xilliga ay dhacayso.

Xildhibaanad Saynab Maxamed Caamir oo saxaafadda la hadashay ayaa sheegtay in qabashada araajida iyo qoraallada kale ee laga doonayo Murashaxa ay ku eg yihiin maalinta Isniinta ah ee berri, wixii maalintaas ka dambeeyana aan la qaban doonin codsi.

"Murashaxa xilka isku taagaya wuxuu codsigiisa kusoo gudbin karaa Isniinta todobaadkan, markaas kaddib ayaana lagu dhawaaqi doonaa xilliga ay doorashadu dhacayso" ayay tiri Xildhibaanad Saynab Caamir oo dhinaca warfaafinta u qaabilsan guddiga.

Waxay sheegtay Xildhibaannadu in shuruudaha lagu xiray xubnaha isku-taagaya xilka guddoomiyaha iyo ku xigeenkiisa ay tahay inay yihiin Soomaali iyo inay yihiin mudanayaal baarlamaanka ka tirsan, iyadoo aan sheegin shuruudo kale oo ay ku xireen.

Guddigan oo ka kooban 15-xubnood ayaa waxaa guddoomiye u ah Xildhibaan Xaaji Shukri Sheekh Axmed oo ah guddoomiyaha KMG ah ee Baarlamaanka, waxaana lagu ansixiyay kulan uu baarlamaanku yeeshay Khamiistii lasoo dhaafay.

Xildhibaan Sheekh Axmed C/llaahi Xuseen (Fanax) ayaa ku dhawaaqay todbaadkii hore inuu yahay murashax u taagan xilka guddoomiyaha, halka Xildhibaan Mowliid Macaani uu isaguna sheegay inuu u taagan yahay guddoomiye ku xigeenka 1-aad.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya