Axad, May 23, 2010 (HOL) - Kadib markii dhawaan Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay soo daabacday lacago kuwaa oo laga soo dejiyay Garoonka weyn ee Magaalada Muqdisho ayaa waxa ay cabashooyin kala duwan kasoo yeertay shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada Jubooyinka, gaar ahaan kuwa ku nool magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka j/hoose.
Ganacsatada magaalada kismaayo ayaa ka digay in ay lacagahaasi dhibaato weyn iyo weliba saameyn dhaqaale oo balaaran ay ku yeelan karaan shacabka soomaaliyeed ee ay aafeeyeen dagaalada aan dhamaadka lahayn ee ka jira wadanka soomaaliya.
Qaar kamid ah shacabka ku nool magaalada kismaayo oo arintaasi ka hadlayay ayaa sheegay in lacagahaasi ay keeni karaa sicir barar aad u weyn iyo weliba in qiimaha badeecooyinka ay cirka isku shareeraan hadii ay lacagahaasi ku faafaan gobollada dalka Soomaalya.
Sidoo kale lacagaha ay dowaladda kmg ah ee Soomaaliya ay dhawaan soo daabacday ayaa waxaa cabasho taa lamid ah ka muujiyay dadka barakacayaasha ah ee ku nool xarooyinka kaamamka magaalada kismaayo iyagoona sheegay in tan iyo markii ay wadanka soo gashay lacagaha cusub ee ay dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay soo daabacday ayay sheegeen in durbadiiba uu cirka isku shareeray sarifka doolarka iyadoona sidoo kale qiimo koror ku yimid raashiinka quutul duruuriga ah ee ay dadku iibsadaan.
Ugu danbeeyntii shacabka reer kismaayo ayaa ka codsaday dowladda KMG ah ee Soomaaliya in ay joojiso lacagaha cusub ee ay xiligan soo gelisay dalka iyagoona sheegay in hadii aan lacagahaasi la joojin ay saameyn ku yeelan doonaan shacabka danyarta ah ee Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobollada dalka Soomaaliya.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya