MADAXWEYNE SHEEKH SHARIIF: "Beesha Calaamka waa inay balanqaadka hadalka ah u badalaan ficil ayna taageeraan Dowladda Soomaaliya"

Axad, May 23, 2010 (HOL) − Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Khudbad ku baxday Afka Carabiga ka jeediyay shir looga hadlayo Arrimaha Soomaaliya oo lagu soo gabgabeeyay Magaalada Istanbul ee dalka Turkey.

Sheekh Shariif wuxuu ka codsaday dalalka calaamka inay gacan ku siiyaan Dowladdiisa sidi ay dalka uga saari lahayd 20-sano oo colaado iyo dhibaatooyin is-biirsaday ah, ayna u gaarsiin lahayd dagaan iyo nabad.

"Beesha Calaamka waa inay ballanqaadyadooda dhaqaale u badalaan ficil, si Dowladda Soomaaliya ay ugu suurogasho inay dalka ka saaro dhibaatada raagtay" ayuu yiri Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in xukuumaddiisu ay dagaal kula jirto kooxo diidan inay hanaqaaddo, isagoo xusay inay uga baahan yihiin caalamka inay gacan ka helaan si ay kooxahaas uga adkaadaan.

"Dadka Soomaaliyeed waxay muddo 20-sano ah kusoo jireen dagaalo, daganaasho la'aan, qax, gaajo iyo dhimasho joogto ah, waxaan u baahanahay yabooh dhab ah si looga baxo dhibaatadaas" ayuu yiri Madaxweynaha Soomaaliya.

Sheekh Shaiif wuxuu sheegay inay dowladdiisa haysato ammaan xumo gudaha ah, ayna wadaan qorshe ay isbadal ugu sameynayaan xukuumadda, isagoo sheegay inay ka go'an tahay inay soo magacaabaan koox karti u leh inay ka gudbaan howlaha adag ee dowladda horyaalla.

Madaxweynuhu wuxuu ka hadlay Burcadbadeedda isagoo sheegay inay yihiin dhibaato muuqata oo dalka ka jirta, ayna dowladdiisa ka go'an tahay inay cagta mariso iyadoo kaashanaysa dalalka caalamka ee awoodda leh.

"Dhibaatada Soomaaliya ka jirta waxaa sii socoshadeeda sabab u ah faqriga baahay ee ay sababeen bini'aadamka, waxaana uga baahanahay caalamka inay gacan naga siiyaan sidii aan dhaqaalaha dalka u soo celin lahayn" ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif.

Sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladdiisu ay diyaarisay ciidamo ka badan 17-kun oo Askari oo isugu jira Milateri iyo Booliis, isagoo xusay inay dadaal ugu jiraan sidii ay hay'adaha dowladda dib u dhis ugu sameyn lahaayeen.

Wuxuu sheegay inay muhiimad siinayaan soo celinta dhaqaalaha dalka iyo ammaanka, ayna la kaashanayaan cid walba oo gacan ka siinaysa, isagoo sheegay in Baarlamaanka uu dooran doono Guddoomiye cusub.

Ugu dambeyn Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu sheegay inay doonayaan inay dadka u soo saaraan khayraadka dalka ku aasan, isagoo si naxariis leh uga dalbay Madaxda shirka kasoo qaybgalay inay hiil iyo hooba ku siiyaan howlaha horyaalla xukuumaddiisa.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected] 
Muqdisho, Soomaaliya