Axad, 23, May, 2010 (HOL) Guddoomiyaha Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee Goballka Hiiraan Shuuriye Faarax Sabriye oo maanta Warbaahinta kula hadllayay Xafiiskiisa ayaa si cad shaaca uga qaaday in laga bilaabo maanta oo ay Taariikhdu ku beegan tahay 23-May-2010 laga joojiyay dhamaan howlihii ay ka hayeen Magaalada Beledweyne iyo guud ahaan Goballka Hay'addaha Samafalka marka laga reebo ayuu yiri Hay'adda MSF ee hadda maamusha Isbitaalka guud ee Goballka.
Shuuriye waxaa uu ku eedeeyay Hay'addaha Samafalka ee hadda ku haray Goballka in aysan aheyn kuwo ku shaqeeya magaca ay wataan, laakiin yihiin sida uu hadalka u dhigay kuwo ka faa'ida hantida iyo kaalmada loogu soo dhiibo dadka dhibaateysan, waxaana uu amar ku bixiyay in
laga bilaabo maanta aan la arki karin Xafiis Hay'adeed oo ka furan Magaalada Beledweyne.
'' Waxaa laga bilaabo saacadaan amar ku siinay Ciidamada Maamulka Ururka Xisbul Islaam in ay talaabo ka qaadaan Xafiiskii la arko isaga oo shaqeynaya, waxaana ku warglineynaa dhamaan Hay'addaha hadda shaqeeya in ay qaataan amarka ka soo baxay Maamulka ayuu yiri Shuuriye
Faarax Sabriye Guddoomiyaha Xisbul Islaam ee Goballka Hiiraan.
Amarka ka soo baxay Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee Magaalada Beledweyne ayaa noqonaya kii ugu horeeyay ee noociisa ah oo si cad looga mamnuuca guud ahaa Goballka in ay ka howlgalaan Hay'addaha Samafalka, iyada oo la og-yahay in kol hore Xarrakada Mujaahidiin
Al-shabaab oo gacanta ku haya qeybo badan oo ka mid ah degmooyinka Goballku ka kooban yahay ka mamnuuceen Hay'adda WFP in ay ka howlgasho Goballka Hiiraan.
Lama sida ay u qaadan doonaan Hay'addaha Samafalka amarka maanta ka soo baxay Ururka Xisbul Islaam waxaana xusid mudan in haddii ay meesha ka baxaan Hay'addaha faro ku tiriska ah ee ku sii harsan Goballka Cariiri gali doonto Nolasha in badan oo ka mid ah dadkii ku tiirsanaa
kaalmada ay bixiyaan Hay'addaha Samafalka oo hadda qaarkood bilaabay in ay Goballka uga baqoolaan dhinaca Goballka Galgaduud ee bartamaha Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya
Maamulka Ururka Xisbul Islaam oo shaqadii ka joojiyay dhamaan Hay'addaha Samafalka ka howlgala Magaalada Beledweyne
More News
- Koob lagu xusayay sanadguuradii ururkii SYL oo lagu qabtey magaalada London
- Shacabka reer kismaayo oo cabasho ka muujiyay lacagaha ay dhawaan soo Daabacday Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
- Dagaallo beeleedyo khasaare badan geystay oo ka dhacay deegaannada ka tisran Gobolka Bay
- SHEEKH YUUSUF INDHACADDE: "Ciidamada Dowladda waxaa laga qabsaday dhul badan, waxaana mas'uul ka ah Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya"
- Guddiga doorashooyinka Baarlamaanka oo muddo kama-dambeys ah u qabtay xubnaha isku sharaxaya xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka
- MADAXWEYNE SHEEKH SHARIIF: "Beesha Calaamka waa inay balanqaadka hadalka ah u badalaan ficil ayna taageeraan Dowladda Soomaaliya"
- Xukuumadaha Soomaaliya iyo Turkiga oo ku kala saxiixday Magaalada Istanbul heshiis dhinaca ciidamada ah
- Dagaalo iyo duqeymo xalay iyo saakay ka dhacay Muqdisho oo sababay dhimasho iyo dhaawac gaartay Shacabka
- Dadaallo lagu samata bixinayo hatidii saarneyd gaari Xamuul ah oo ku dhacay Buudada Liqliqato (Daawo Sawirada)