Axad, June 27, 2010 (HOL) - Kalluumeysatada ka jalaabata xeebaha gobolka J/hoose ayaa ka cabaneysa shaqo la'aan soo foodsaartay kadib markii lagudo galay xilliga badxiranka ee gobollada jubooyinka looga yaqaan xilliga Kuusiga oo aalaba ay istaagaan dhaqdhaqaaqyada dhinaca badda ah ee ay sameeyaan doomaha kallumeysiga iyo kuwa ganacsiga.
Qaar kamid ah Kalluumeysatada oo aan ka wareystay howlahooda shaqo ayay ii sheegeen in xeebaha gobolka J/hoose ay ka kaceen dabeylo aad u xoogan oo sababay in ay socon waayaan doomaha kalluumeysiga, waxaana ay sheegeen in kalluunkii ganacsi ahaanta loo keeni jiray magaalada kismaayo uu haatan aad u yaraaday iyadoo qiimaha kalluunka lakala siista ee suuqyada magaalada kismaayo uu sare u kac weyn ku yimid.
Ka ganacsiga kalluunka ayaa waxa ay noloshooda ku xirantahay kumanaan kamid ah dadka ku dhaqan gobolka j/hoose gaar ahaan dadka iyagu ku nool jaziiradaha dhanka koonfureed kaga beegan magaalada kismaayo, waxaana aalaaba marka la gaaro xilliyada badxiranka ay shaqo la'aan baahsani soo foodsaartaa kalluumeysatada gobolka j/hoose.
Dhanka kale xamaaliga dakadda magaalada Kismaayo oo gaaraya ku dhowaad ilaa iyo 3000 (3 kun) oo u badan dhalinyaro iyagu qoysaskooda ka biila lacagaha ay ku helaan shaqadooda xamaalinimo ayaa iyaguna ka cabanaya shaqo la'aan soo foodsaartay maadaama aysan soo xiran doomaha ganacsiga ee ka iman jiray dhanka Dubai kadib markii la galay xilliga badxiranka oo ay mowjadaha badda aad u kacsanyihiin kuwaasoo aysan mari karin doomaha ganacsiga, marka laga reebo maraakiibta waaweyn.
Xasan Nuur, Hiiraan Online[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya