Axad, June 27, 2010 (HOL) − Xildhibaanno Baarlamaanka Soomaaliya ka tirsan oo booqasho ku jooga Magaalada Washington ee dalka Mareykanka ayaa kulamo la qaatay Xildhibaanno iyo Mas'uuliyiin iyagoo kala hadlay xaaladda dalka Soomaaliya.
Mudanayaashan ayaa waxay sheegeen inay dalka Mareykanka ka heleen casuumad rasmi ah, ayna kulammadooda diiradda ku saareen sidii Mareykanku uu gacan u siin lahaa Dowladda Soomaaliya oo dagaal kula jirta kooxo hubeysan oo kasoo horjeeda.
Xildhibaan Ibraahim Isaaq Yaroow oo la hadlay VOA-da laanteedka Afka Soomaaliga ayaa sheegay in kulammo ay la qaateen Mas'uuliyiin ka tirsan Aqalka Cad iyo Xildibaanno ayna kala hadleen sidii loo xoojin lahaa Xiriirka labada dal ee dhinacyada Siyaasadda, Ganacsiga, Amniga iyo sidii ay u xoojin lahaayeen taageerad ay siiyaan Dowladda Soomaaliya.
"Kulammadii aan la yeellanay Madaxda Mareykanka waan isku afgarannay, waxayna noo ballanqaaeen inay taageeri doonaan Dowladda Soomaaliya" ayuu yiri Mudane Ibraahim Isaaq Yaroow oo ku hadlayay magaca Xildhibaannada jooga Washington.
Mudane Yaroow wuxuu gaashaanka ku dhuftay in Dowladda Soomaaliya ay kaga sugan tahay Muqdisho goob aad u yar, isagoo sheegay in Dowladdu ay gacanta ku hayso degmooyinka lafdhabarka u ah Gobolka Banaadir, ayna waddo qorshayaal ay kula wareegayso dalka oo dhan.
Booqashada Xildhibaannadan oo aan si dhab ah loo ogeyn sababta keentay ayaa waxaa haddana ay imaanaysaa Xilli Mareykanku uu sheegay inuu dib u eegis ku sameynayo kaalmada dhinaca Milateriga ah ee uu siiyo Dowladda Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya