Baarlamaanka Soomaaliya oo maanta kulan looga dooday xeer hoosaadka Baarlamaanka iyo xaaladda dalka ku yeeshay Muqdisho

Axad, June 27, 2010 (HOL) − Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta kulan ku yeeshay xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho waxayna kaga doodeen kulankooda arrimo badan oo kusaabsan xaaladaha dalka.

Kulanka oo ay soo xaadireen 306-mudane ayaa waxaa furay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Shariif Xasan Sheekh Aadan kaasoo marka hore hambalyo ku aaddan sannadguuradii 33-aad ee kasoo wareegtay xorriyada dalka Jabuuti uu u diray Madaxda iyo shacabka dalkaas.

Xildhibaannada Baarlamaanka ayaa furitaanka kaddib waxay bilaabeen inay ka hadlaan aragtiyadooda xaaladda dalka, waxaana mudanayaashii fadhiga ka hadlay ka mid ahaa Xildhibaan Muuse Suudi Yalaxow oo sheegay in dowladda looga fadhiyo inay dib u soo celiso ammaanka guud ee dalka.

Mudanayaasha ayaa qaarkood ku buuqay Xidhibaan Salaad Cali Jeelle oo u soo istaagay inuu wax ka yiraahdo doodaha baarlamaanka ee maanta, balse Shariif Xasan ayaa ka dabdalay Xildhibaannada inay fursad siiyaan Mudanaha.

Xildhibaan Salaad Cali Jeelle oo aad u careysan ayaa ka dalbaday Guddoonka sare ee Baarlamaanka inay wax ka qabtaan xildhibaannada muranka ka dhex abuura shirarka Baarlamaanka, sidoo kalena aan la kala goyn fadhiyada Baarlamaanku.

Intii uu socday kulanka Baarlamaanka ayaa waxaa ilaalinayay xarunta uu shirku ka socday ee Golaha Shacabka Ciidamada Dowladda Soomaaliya kuwa AMISOM ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Fadhiga uu maanta Baarlamaanku yeeshay ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo ay yeeshaan Xildhibaannada Baarlamaanka tan iyo markii la doortay guddoonka cusub ee Baarlamaanka oo badalay guddoonkii hore.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected] 
Muqdisho, Soomaaliya