Axad, June 27, 2010 (HOL) − Maamulka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ee Gobolka Banaadir ayaa maanta u soo bandhigay Saxaafadda Muqdisho lacag gaaraysa 100-Miyan oo Shilin Soomaali ah, taasoo ay sheegeen inay tahay Faalso.
Sarkaal ka tirsan Maamulkan oo ka hadlay goobta lagu soo bandhigay lacagta ayaa sheegay in lacagtaan ay ka qabteen suuqa Bakaaraha lana doonayay in dhaawac lagu gaarsiiyo ganacsiga iyo sarifka lacagaha qalaad.
Howlgallo baaritaanno ah oo uu maamulka Gobolka Banaadir ee Xarrakatul Shabaab ku sameeyay sariflayaasha Suuqa Bakaaraha ayaa lagu soo qabtay lacagtan, waxaana loogu amaray shacabka Muqdisho inay ka fogaadaan isticmaalka lacagtan.
Dowladda Soomaaliya ayaa dhawaan soo dagsatay lacago Shilin Soomaali ah, kuwaasoo lagu soo sameeyay dalalka Caalamka qaarkood, waxaana lacagtan cusub ay dibadda u soo baxday todobaadyadan.
Waa markii ugu horreysay oo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ay diido lacag Shillin Soomaali ah, waxaana maamulku uu uga digay mar kale shacabka Soomaaliyeed inay isticmaalaan lacagtaas oo ay ku sheegeen inay tahay mid faalso ah.
Dalka Soomaaliya oo aanay dowlad shaqeysa ka jirin tan iyo 1991-kii ayaa lacagta la isitcmaalo waxay ahayd mid xilliyo kala duwan lasoo sameeyay, iyadoo tani ay qayb ka tahay lacagaha Shilin Soomaaliga ah ee lagu soo sameeyay dibadda.