Iskahorimaad kooban oo ciidamada Dowladda Soomaaliya ku dhexmaray Magaalada Muqdisho iyo Madaafiic ku dhacday Bakaaraha

Axad, June 27, 2010 (HOL) − Ugu yaraan saddex qof oo ay ku jiraan ciidamada Dowladda Soomaaliya ayaa ku dhintay dagaal iyo duqeymo ka dhacay maanta Magaalada Muqdisho, waxaana ku dhaawacmay 9-qof oo kale.

Iskahorimaad u dhexeeyay ciidamada Dowladda Soomaaliya oo ka dhacay inta u dhexeysa Isgoysyada Banaadir iyo Soobe ayaa waxaa ku dhintay laba askari, iyadoo ay ku dhaawacmeen laba qof oo rayid ah.

Goobjoogayaal ayaa sheegay in iskahorimaadkaas uu ahaa mid u dhexeeyay laba ciidan oo iskasoo horjeeda, waxaana ciidamadii la dilay oo dhinac kasoo jeeday laga qaatay labadii qori ee ay ku dagaalamayeen.

Waa dagaalkii labaad oo muddo 24-saac ah ku dhexmara Magaalada Muqdisho ciidamada Dowladda Soomaaliya, waxaana dagaal shalay ku dhexmaray degmada Xamarjajab uu sababay dhimashada ugu yaraan 2-qof oo mid uu ahaa Askari.

Sidoo kale Madaafiic ku dhacay gudaha Suuqa weyn ee Bakaaraha ayaa waxaa ku dhintay hal qof, iyadoo ay ku dhaawacmeen 7-qof oo kale, kuwaasoo ahaa rayid halkaas ku sugan, waxaana dhaawacyadaas loo qaaday Isbitaallada Muqdisho.

Goobjooge ku sugan Suuqa Bakaaraha ayaa u sheegay HOL inuu arkay mayadka halka qof iyo dhaawaca todobada qof ee kale, wuxuuna xusay in madaafiicdu ay jawaab u ahaayeen madaafiic laga tuuray halkaas oo lagu weeraray xarumaha Dowladda iyo kuwa AMISOM.

Dhanka kale, maydka qof rayid ah oo aan la garanayn cidda dishay ayaa saakay laga helay xaafadda Xararyaalle ee degmada Wardhiigley, kaasoo ay ka muuqatay rasaas lagu dilay, lamana oga cid dishay iyo sababta loo dilay.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected] 
Muqdisho, Soomaaliya