Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo magacaabaya todobaadkan xukuuumad cusub oo ay ka dhexmuuqato Ahlusunna Waljamaaca

Axad, June 27, 2010 (HOL) − Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke ayaa lagu wadaa in maalmahan uu magacaabo gole wasaaradeed oo cusub, kaasoo ay ka dhexmuuqdaan xubno ka tirsan Culummaa'udiinka Ahlusunna Walajamaaca.

Ilo wareedyo ka tirsan Xafiiska Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya ayaa u sheegay HOL in isbadalka lagu sameynayo Xukuumadda Soomaaliya uu gun dhig u yahay sidii lagu meelmarin lahaa heshiiskii awood-qaybisga ahaa ee ay horay u kala saxiixdeen Dowladda Soomaaliya iyo Ahusunna Waljamaaca.

Magacaabidda Golahan wasaaradeed ee cusub oo aan si dhab ah loo ogeyn tiradooda ayaa waxaa lagu waday inuu Ra'iisul wasaaruhu ku dhawaaqo shalay, balse waxaa la sheegay inay dib ugu dhacday sababo farsamo.

Wasiirro ka tirsan Xukuumadda hadda ayaa waynaya xilalka ay hayaan, kuwaasoo uu ka mid yahay Wasiirka Arrimaha Gudaha Sheekh C/qaadir Cali Cumar iyo Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda Sheekh C/raxmaan Maxamuud Janaqoow.

Golaha xusub ee Xukuumadda lagu dhawaaqyo ayaa waxaa ku jira Axmed C/salaan Xaaji Aadan oo xil Wasiirnimo kasoo qabtay Dowladdii Nuur Cadde iyo Xildhibaan Mustaf Sheekh Cali Dhuxuloow oo isaguna ka socda dhinaca Ahlusunna.

Warar hoose ayaa sheegaya in dib u dhaca ku yimid ku dhawaaqidda golaha wasiirrada ee cusub ay sababtay iyadoo qaar ka mid ah Madaxda Ahlusunna ay codsadeen inay ka qaybgalaan xafladda magacaabidda golaha wasiirro ee cusub.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya