Axad, 27, Jun, 2010 (HOL) Sida ay ku waramayaan dadka ku dhaqan deegaannada dhinaca W/qooyi kaga beegan Magaalada Beledweyne waxaa saacadihii aynu soo dhaafnay jirray dhaq dhaqaaqyo Militari oo ay wadaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya ee Goballka Hiiraan kuwaa oo maalmihii aynu soo dhaafnay ku sugnaa deegaannka Kala-beyr.
Wararku waxaa ay intaa ku darrayaan in Ciidamadan oo ku hubeysan gadiidka dagaallka islamarkaana ay weheliyaan Saraakiil ka tirsan Maamulkii hore ee Goballka Hiiraan u soo ruqaasadeen deegaannada soo xiga dhinaca Magaalada Beledweyne gaar ahaan Tuulada Ceel-gaal oo wax ka yar 13km u jirta Magaalada Beledweyne.
Lama oga dhaq dhaqaaqa ay wadaan Ciidamada Dowladda Soomaaliya in uu yahay mid ka dhan ah Maamulka Xarrrakada Mujaahidiinta Al-shabaab ee dhawaan la wareegay Magaalada Beledweyne oo dhinacooda marka aad eegto foojignaan adag ka qaba weerar uga yimaada dhinaca Ciidamada Dowladda.
Dhawaan ayeey aheyd markii uu Axmed Inji oo ka tirsan Saraakiisha Ciidamada Dowladda ee Goballka Hiiraan warbaahita u sheegay in ay soo dhameystireen qorshayaashoodii dhinaca dagaallka islamarkaan dhawaan weerar ku qaadi doonaan Magaalada Beledweyne ee xarunta ah Goballka Hiiraan.
Xoogagga Xarrakada Shabaabul Mujaahidiin ee hadda gacanta ku haya Maamulka magaalada ayaa horay u sheegay in ay mar walba diyaar u yihiin iska caabinta weerar kasta oo kaga yimaada dhinaca Ciidamada Dowladda iyo kuwa Ahlu Sunna Waljameeca oo isku aragti ka ah dagaallka lagula jirro Xarrakada Al-shabaab.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]