Xildhibaanada iyo Waxgaradka Beelaha Shanaad oo wada olole ay uga horjeedaan nidaamka awoodqaybsiga ee 4.5-ka ah

Axad, June 27, 2010 (HOL) − Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo waxgarad kasoo jeeda beelaha Shanaad ayaa wada olole ay kaga horjeedaan nidaamka 4.5-ka ah ee ay ku dhisan tahay Dowladda Soomaaliya.

Mudane Mowliid Macaani Maxamuud oo ka tirsan mudanayaasha Baarlamaanka ayaa sheegay inay kasoo horjeedaan nidaamka 4.5-ka ah, ayna kulanka ugu horreeya ee baarlamaanka ay hordhigi donaan ajande ay ku codsanayaan in qaabkan awoodda lagu qaysaday la baabi'iyo.

"Nidaamka ay ku dhisan tahay Dowladda Soomaaliya oo dhan waa nidaam Qabiili ah, waxaan codsanaynaa in la badalo laguna badalo qaab ka wanaagsan, waayo ma jirto beel ka wanaagsan beel kale" ayuu yiri Xildhibaan Mowliid Macaani Maxamuud.

Kudlad ay dhawaan dhisteen Xildhibaanno ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ku dhawaaqday in nidaamkaan la badalo, iyagoo ku sifeeyay inuu yahay nidaam lagu kala sarreysiinayo Soomaalida.

Magaalada Muqdisho ayaa waxaa shalay ka dhacay kulan ay isugu yimaadeen waxgaradka kasoo jeeda beesha Shanaad kaasoo ay si cad ugu diideen nidaamka ay ku dhisan tahay Dowladda Soomaaliya.

"Annaga waxaan nahay beelo la mid ah beelaha kale ee Soomaaliyeed mana ogolin in nalagu tilmaamo beesha shanaad ama bar, haddii la joojin waayo arrimahaas waxay keenaysaa inaan isaga harno siyaasadda Soomaaliya oo dhan" ayuu yiri Dheere Sheekhey oo ka mid ah waxgaradka Beelaha Banaadiriga ah oo kulanka ka hadlay.

Dowladda Soomaaliya ayaa waxay ku dhisan tahay Nidaamka 4.5-ka ah, kaasoo lagu ansixiyay shirarkii lagu soo dhisay TFG ee ka dhacay dalka Kenya sannadkii 2004, waana markii ugu horreysay oo nidaamkan si cad loo mucaarado.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya