Maamulka Shirkada Telcom Puntland oo qiimo-dhimis ku sameeyay Adeegyada Shirkadda


Axad, 27, Jun, 2010 (HOL)- Maamulka Shirkada Isgarsiinta ee Telcom Puntland ayaa Qiimo dhamis ku sameeyay adeegyada shirkada gaar ahaan Scratchka la xoqo iyo kaarka ku hadalka intaba.

Qiimo dhimistan ayaa loogu tala galay in ay ka faa,idaystaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Bosaaso,kuwaasi oo aad ugu baahnaa in la yareeyo Qiimaha ku hadalka.

Maareeye ku xigeenka Shirkada Isgaarsiita ee Telcom Puntland C/rishiid Wacays oo maanta shir ku qabtay Xafiskiisa ayaa sheegay in ay arintan ay ugu talagaleen dadka reer Puntland,isagoo halkaa ka akhriyay sida ay tahay Qiimo dhimastan.

Waxa uu Maareeyaha sheegay in Qofkii halka doollar ku shubta Kaarka Telcom Puntland in uu helayo 3 daqiiqo oo bilaasha ah ,isla markaana lagu wacan karo dal iyo dibad,iyadoo sidoo kalena qofkii 5$ ku shubta uu helayo 12 daqiiqo oo Bilaasha ah.

Maareye ku xigeenka shirkada Isgaarsiinta ee Telcom Puntland ayaa xusay in Fariimaha Qoraalka meel kasta oo dunida ah loo dirsan karo,isla markaana ay bilaash tahay.

Ugu danbayntii C/rishiid Wacays ayaa Bulshada Puntland ka raali galiyay Cilad ka jirtay ku hadalka kaarkarka Telcom ,gaar ahaan marka la wacayo dibada ,Waxaana uu xusay in adeegyo cusub lagu soo kordhin doono shirkada mustaqbalka dhow.


Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya