Axad, July 10, 2010 (HOL) - Sheekh Max’ed Abuu sacad Waaliga Xarakada Alshabaab ee Deegaanka dhoobley ayaa ugu baaqay shacabka ku dhaqan deegaankaasi in ay u istaagaan sidii ay wadanka uga difaaci lahaayeen ciidamo uu sheegay in ay kusoo wajahanyihiin dalka Soomaaliya.
Sheekh Abuusacad ayaa intaasi ku daray in ciidamada Dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo Xoogaga AMISOM ay ku suganyihiin qeybo yar oo katirsan caasimadda Dalka Soomaaliya hadii shacabka soomaaliyeed uu u wada istaago buu yiri ay ka saari karaan qeybahaasi yar ee ay dalka uga suganyihiin xoogagagaasi.
“Waxaa loo baahanyahay qof walba oo muslim ah in uu u istaago sidii uu wadanka uga difaaci lahaa gaalada isu soo baheysatay in ay burburiso imaarada islaamiga ah ee ka hirgeshay qeybo badan oo katirsan wadanka Soomaaliya ayuu yiri Sheekh Abuusacad oo la hadlayay shacabka ku dhaqan deegaanka Dhoobley”
Hadalkan maanta kasoo yeeray gudoomiyaha xarakada alshabaab ee Deegaanka dhoobley ayaa kusoo beegmaya xilli maalmahan danbe ay isa soo tarayeen hadallada kasoo yeeraya masuuliyiinta xarakada alshabaab kuwaa oo ay ku muujinayaan sida ay uga soo horjeedaan ciidamada urur goboleedka IGAD uu sheegay sida ugu dhaqsaha badan lagu keeni doono dalka Soomaaliya si ay u caawiyaan dowladda KMG ah ee Soomaaliya.
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya
Waaliga Xarakada Alshabaab ee Deegaanka Dhoobley oo Jihaad ugu baaqay Shacabka ku dhaqan deegaankaasi.
More News
- Kulan ay Xildhibaannada Baarlamankaa Soomaaliya maanta ku yeesheen Xaruntooda Muqdisho oo buuq ku dhamaaday
- Sarkaal ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo goor dhaweyd lagu dilay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan
- Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya oo sheegay in dhibaatada ka taagan Dalka Soomaaliya lagu xalin karo Wada hadal
- Wasiirka Maamul-wanaagga Puntland oo sheegay in Puntland ay Soomaaliya ka tirsan tahay, kana hadlay Calanka Cusub ee Maamulkiisa
- Dagaal deegaannka Wardheer ee Ismaamulka Itoobiya ku dhaxmaray dadka deegaannka iyo Ciidamo Itoobiyaan.
- Wasiir ka tirsan Dowladda Koofur Afrika oo la kulmay Soomalida Dalkaasi dagan.
- Dilkii halyeygii Nabadda Soomaaliya C/qaadir Yaxye, xusuus aan ka go'in maskaxda Shacabka Soomaaliyeed
- Deeq loo qeybiyay dadka qaba cudurka Juudaanka ee ku dhaqan Magaalada Beledweyne.
- Ururka Xisbul Islaam oo sheegay inay jiraan shaqsiyaas diinta Kirishtaanka ka faafiya deegaannada loo barkacay ee duleedka Muqdisho
- Maamulka Xarrakatul Shabaab ee Gobolka Bay oo ku toogatay Baydhabo qof ay ku eedeeyeen inuu jaajuus u ahaa dalka Itoobiya
- Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif oo ka hadlay ciidamada ay dalalka IGAD u soo dirayaan Soomaaliya