Sabti 10, July, 2010 (HOL) Wararka laga hellayo deegaannka Wardheer ee dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya ayaa sheegaya in ay jiraan dagaallo iyo rashado u dhaxeeya dadka deegaanka iyo Ciidamo Itoobiyaan ah oo la baxay New Golis.
Sida uu HOL u sheegay Wariye ku sugan Goballka Galgaduud dagaalka ayaa bilaawday kadib markii dadka deegaannka iyo Ciidamada Itoobiya isku Maan dhaafeen xayiraad Ciidamada Itoobiya ku soo rogeen gadiidkii Safarka geyn jiray dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya kuwaa oo maalmihii aynu soo dhaafneyba aan shaqeyn.
Ilaa hadda lama oga khasaaraha ka dhashay dagaallka dhaxmaray dadka deegaannka iyo Ciidamda Itoobiya inkastoo wararka qaar ay sheegayaan in ay jiraan dad ku dhaawacmay dagaallka dhaxmaray labada dhinac, iyada oo wararku intaa ku darayaan in ay xaalada soo faro galiyeen Saraakiil ka tirsan Ciidamada Itoobiya oo hadda jooga halka lagu dagaalamay.
Dhawaan ayaa lagu soo celiyay Magaalada Caabud-waaq ee Goballka Galgaduud ilaa 20 gaari oo kuwa Xamuulka ah kadib markii lagu qabsaday gudaha dhulka Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waxaana wararku intaa ku darayaan in Ciidamada cusub ee la baxay New Golis xariyeen dhamaan gadiidka Xamuulka ee ka yimada bartamaha Soomaaliya gaar ahaan Goballka Galgaduud.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]