Sabti, July 10, 2010 (HOL) − Maamulka Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ee Gobollada Bay iyo Bakool ayaa waxay shalay gallinkii dambe ku toogtay Garoonka kubadda Cagta ee Dr. Ayuub nin lagu eedeeyay inuu jaajuus u ahaa Dowladda Itoobiya.
Ruuxa la dilay oo lagu magacaabo Ibraahim C/qaadir Xasan oo 38-jir ah ayaa tababare ciidan u ahaa Dowladdii uu Madaxweynaha ka ahaa Col. C/llaahi Yuusuf Axmed, waxayna xoogagga Xarrakatul Shabaab qabteen afar bilood ka hor, iyagoo intaas baaritaanno ku waday.
Ku xigeenka qaaliga Maxkamadda Xarrakatul Shabaab ee Gobollada Bay iyo Bakool oo ka hadlay garoonka intii aanay toogashadu dhicin ayaa sheegay in ruuxan uu ka qirtay Maxkamadda horteeda dambiga loo haysto, lagu xukumay dil toogasho ah.
Boqolaal qof ayaa ku sugnaa goobta lagu toogtay ruuxan lagu eedeeyay inuu basaas u ahaa Dowladda Itoobiya, waxaana toogtay ciidamo wajiga qarsaday oo ka tirsan Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.
Dilkan ayaa noqonaya kii labaad oo muddo tododbaad gudihiis ah ka dhaca Bay iyo Bakool, waxaana horraantii toddobaadkii hore lagu toogtay Degmada Xudur nin lagu magacaabi jiray Maxamuud Guuleed 20-jir ahaa, kaasoo lagu eedeeyay inuu Nebiga (NNKH) u geystay aflagaado.
Maamulka Xarrakatul Shabaab ee Gobollada Bay iyo Bakool ayaa kusoo beegaya dilka ruuxa lagu eedeeyay jaajuusnimada iyadoo dalalka IGAD oo ay ku jirto Itoobiya ay ku baaqeen in ciidamo dheeraad ah loo diro dalka Soomaaliya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Maamulka Xarrakatul Shabaab ee Gobolka Bay oo ku toogatay Baydhabo qof ay ku eedeeyeen inuu jaajuus u ahaa dalka Itoobiya
More News
- Waaliga Xarakada Alshabaab ee Deegaanka Dhoobley oo Jihaad ugu baaqay Shacabka ku dhaqan deegaankaasi.
- Kulan ay Xildhibaannada Baarlamankaa Soomaaliya maanta ku yeesheen Xaruntooda Muqdisho oo buuq ku dhamaaday
- Sarkaal ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo goor dhaweyd lagu dilay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan
- Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya oo sheegay in dhibaatada ka taagan Dalka Soomaaliya lagu xalin karo Wada hadal
- Wasiirka Maamul-wanaagga Puntland oo sheegay in Puntland ay Soomaaliya ka tirsan tahay, kana hadlay Calanka Cusub ee Maamulkiisa
- Dagaal deegaannka Wardheer ee Ismaamulka Itoobiya ku dhaxmaray dadka deegaannka iyo Ciidamo Itoobiyaan.
- Wasiir ka tirsan Dowladda Koofur Afrika oo la kulmay Soomalida Dalkaasi dagan.
- Dilkii halyeygii Nabadda Soomaaliya C/qaadir Yaxye, xusuus aan ka go'in maskaxda Shacabka Soomaaliyeed
- Deeq loo qeybiyay dadka qaba cudurka Juudaanka ee ku dhaqan Magaalada Beledweyne.
- Ururka Xisbul Islaam oo sheegay inay jiraan shaqsiyaas diinta Kirishtaanka ka faafiya deegaannada loo barkacay ee duleedka Muqdisho
- Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif oo ka hadlay ciidamada ay dalalka IGAD u soo dirayaan Soomaaliya