Dilkii halyeygii Nabadda Soomaaliya C/qaadir Yaxye, xusuus aan ka go'in maskaxda Shacabka Soomaaliyeed


Sabti, July 10, 2010 (HOL) − Maalinta berri oo ay bishan tahay 11-ka July, waxay ku beegan tahay sanadguuradii 4-aad ee kasoo wareegtay dilkii Marxuum C/qaadir Yaxye Sheekh Cali oo dhacay 11-kii July 2005, Cabduqaadir wuxuu ahaa halyeygii nabadda iyo doodihii dadka taagta daran waxaana dilkaasi uu xasuus ma hadho ah ku reebay bulsho-weynta Soomaaliyeed, waxayna markii ay maqleen gurigiisa ku xoomay dadweyne aad u fara badan oo ilmeynayay kuwaas oo ka xumaa dilka C/qaadir Yaxye.

Cabdulqaadir oo aasaasay Hay’adda CRD oo ah hay’ad inta badan ka shaqeysa dib u heshiisiinta iyo nabadda ayaa ka qayb-qaatay dhameynta khilaafyo ka oognaa gudaha dalka Soomaaliyeed, ha noqdaan kuwo kooxeed ama kuwo beeleed. Waxa uuna mar kasta isugu keeni jiray miiska wada badalka qaybaha kala duwan ee Bulshada, isagoo ka codsan jiray in ay mar kasta ka shaqeeyaan nabadda Soomaaliya.

Marxuum Cabdulqaadir Yaxye oo tiir dhexaad u ahaa hay’addaasi ayaa iyadu marnaba ka caajsin hawlaheedii kana niyad jabin dilka C/qaadir Yaxye, waxa uuna la mid noqday xubno fara badan oo Soomaaliyeed oo isku hawli jiray dhinaca nabadda iyo dib u heshiisiinta waxaana ka mid ah Elman Cali Axmed iyo Istarliin Cabdi Caruush oo iyagu ay dileen kooxo iyagu ka soo horjeeda nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.

Dilka Marxuumka oo ay haatan ka soo wareegtay sanooyin ayaa mar kasta ku celcelin-jirey "Miyaa la idiin ka waayey qof rashiid ah ama wanaagsan", sidoo kale hal-ku-dhigyadii C/qaadir Yaxye waxaa ka mid ahaa "Carab iyo Ilko ayaa isugu dhow iyana waa is qaniinaan" "Wax nabad lagu waayey Colaad laguma keeno" "Nabad ayaa neecow leh" iyo ereyo kale oo fara badan, waxa uuna C/Qaadir Yaxye ka shaqeeyey filimo fara badan oo ka hadlayey dhibaatada ay leedahay Colaada iyo Faa’iidada Nabadda, waxa uuna mar kasta u soo bandhigi jiray dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada si ay ugu cibro qaataan.

Maadaama mudo sanooyin ah ay dagaal iyo colaad ku jireen, waxaana Filimaadaasi ka muuqday is barbardhig dhinaca Colaada iyo Nabadda, iyadoo dadkii daawaday ay aad u qushuuceen, waxayna C/Qaadir Yaxye ku amaaneen sida uu mar kasta ugu hawlan yahay sidii ay Soomaaliya nabad ku heli lahayd, waxayna dhamaan dadyowgii kala duwanaa ee ka qayb-qaatay munaasabadihii lagu xusayay C/qaadir codsadeen in la joogteeyo Xusaska loo dhigayo Marxuum Cabduqaadir Yaxye iyagoo ku tilmaamey Xasuus ma Hadho
Qoraalkaan ayaa ujeedada ka dambeysa waxay tahay si aan u dareensiiyo bulshada Soomaaliyeed waxqabadkii dadkii halyeeyada ahaa ee C/qaadir uu ka mid ahaa, waxa uuna Qalinkeygu u hiilin doonaa kuwa mar kasta u taagan Nabadda iyo dib u heshiisiinta oo uu ugu horeeyo C/Qaadir Yaxye iyo qaar kale oo la mid ah
Cabduqaadir Yaxye waxaa uu dhashey Sannad 1957 wuxuu ku dhashey Magaalada Muqdisho intii uu noolaa wuxuu ka soo shaqeeyey wasaaradii Beeraha xilgii Dowladii Miltariga , wuxuu kaloo ka soo shaqeeyey Safaaradii Mareykanka ay ku lahayd Magaalada Muqdisho , waxaa kaloo ka mid ahaa shaqooyinkii uu soo qabtey isagoo ka soo shaqeeyey Xafiiskii Siyaasadda ee UNOSOM iyo weliba Midowga Yurub waxaa kaloo ka mid ahaa Hayadaha uu ka soo shaqeeyey Cabduqaadir Yaxye Hayadda DBG iyo Hayadda Caalamiga ah ee WSP
Cabduqaadir Yaxye wuxuu ka mid ahaa raggi dhidibada u aasey Hayadda Cilmi Baarista iyo Wadatashiga ee CRD wxuu kaloo xubin ka ahaa Hayada Nabada ee Elman (Elman Peace Center ) iyo Guddigga Olombikadda Soomaaliyeed

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya