Sabti, July 10, 2010 (HOL) − Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dib-u-heshiisiinta Dowladda Soomaaliya Xuseen Warsame Siyaad ayaa ka sheegay Muqdisho maanta oo Sabti ah inay lagama maarmaan tahay in wadahadal lagu xalliyo dagaallada ka socda Soomaaliya.
Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay xaflad uu maanta xilka wasaaraddiisa kula wareegayay oo ka dhacday Magaalada Muqdisho, isagoo kooxaha Dowladda kasoo horjeeda ugu baaqay inay wadahadal la furaan xukuumadda.
"Ma jirto wax horumar ah oo dagaal lagu gaaro, dagaal walba oo dhacana wuxuu ku dambeyn wadahadal iyo isgarad, sidaa daraadeed Mucaaradka Dowladda waxaan ugu baaqayaa inay ka qaybgalaan dadaalka nabadeed ee socda, si loo badbaadiyo dhiigga shacabka Soomaaliyeed" ayuu yiri Wasiirka Dib-u-heshiisiinta.
Xafladda xilka uu kula wareegayay wasiirka ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Ra'iisul wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Wasaaradda Shidaalka iyo Tamarta C/waaxid Cilmi Cumar (Goonjeex), wuxuuna hadal uu ka jeediyay xalfladda ku sheegay in dib u heshiisiintu ay tahay jidka keliya ee lagu gaaro horumar iyo nabad.
"Wasaaradda Dib-u-heshiisiinta waxaa loo aasaasay inay wadahadal ku dhameyso qalalaasha ka jira Soomaaliya, waxaana kooxaha dowladda kasoo horjeeda laga doonayaa inay miiska soo fariistaan oo wixii ka maqan ay sheegtaan, iyagoo ogsoon inaan dagaal waxba lagu helin" ayuu yiri C/waaxid Goonjeex.
Munaasabadda ayaa waxaa xilka kula kala wareegtay Wasiirkii hore ee Wasaaradda Dib-u-heshiisiinta iyo Wasiirka cusub, waxayna ka mid ahayd xalfado ay ka socday Muqdisho maalmihii ugu dambeeyay oo ay xilalka kula kala wareegayeen wasiirradii hore iyo wasiirrada cusub.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya