Sabti, July 10, 2010 (HOL) − Wasiirka Maamul-wanaagga Puntland Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan) ayaa ka hadalay warka sheegaya in Puntland ay Somaliya ka Go,ayso ,isla markaana Calanka Cusub uu qayb ka yahay arimahaasi.
Waxa uu sheegay Wasiirku in Calanka Cusub ee Puntland uusan ka tarjumaynin gooni Goosad,balse uu yahay calaamad lagu aqoonsanayo Shacabka Puntland iyo Dowlada.
Maxamed Faarax Gaashaan Wasiirka maamulka wanaaga Puntland ayaa xusay in calanka cusub ee maamulka loo fasirtay siyaabo khaldan oo aan loo baahnayn.
Sidoo kale Wasiirka ayaa xusay in Puntland ay ka tirsantahay Somaliya,Waxaana uu ka digay in la aflagaadeeyo Calanka Cusub ee Puntlad loo sameeyay.
Calan cidkasta ayaa samaysankarta Calan ,Waxaana kaloo samaysan kara kooxo dhalinyaro ah iyo cid kasta oo doonaysa in ay astaan yeelato " ayuu Wasiirka mar uu la hadlayay warbaahinta Garowe.
Ugu danbayntii Waxaa Calanka Cusub ee Puntland magaalada Garowe kaga dhaawaqay madaxwaynaha Puntland ,Waxaana iminka uu ka dhaqan galay meelo kamid ah Magaalooyinka Puntland iyo Xafiisyada Dowlada.
Faisel Maxamed Hassan, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya
Wasiirka Maamul-wanaagga Puntland oo sheegay in Puntland ay Soomaaliya ka tirsan tahay, kana hadlay Calanka Cusub ee Maamulkiisa
More News
- Waaliga Xarakada Alshabaab ee Deegaanka Dhoobley oo Jihaad ugu baaqay Shacabka ku dhaqan deegaankaasi.
- Kulan ay Xildhibaannada Baarlamankaa Soomaaliya maanta ku yeesheen Xaruntooda Muqdisho oo buuq ku dhamaaday
- Sarkaal ka tirsan Dowladda Soomaaliya oo goor dhaweyd lagu dilay Magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan
- Wasiirka cusub ee Wasaaradda Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya oo sheegay in dhibaatada ka taagan Dalka Soomaaliya lagu xalin karo Wada hadal
- Dagaal deegaannka Wardheer ee Ismaamulka Itoobiya ku dhaxmaray dadka deegaannka iyo Ciidamo Itoobiyaan.
- Wasiir ka tirsan Dowladda Koofur Afrika oo la kulmay Soomalida Dalkaasi dagan.
- Dilkii halyeygii Nabadda Soomaaliya C/qaadir Yaxye, xusuus aan ka go'in maskaxda Shacabka Soomaaliyeed
- Deeq loo qeybiyay dadka qaba cudurka Juudaanka ee ku dhaqan Magaalada Beledweyne.
- Ururka Xisbul Islaam oo sheegay inay jiraan shaqsiyaas diinta Kirishtaanka ka faafiya deegaannada loo barkacay ee duleedka Muqdisho
- Maamulka Xarrakatul Shabaab ee Gobolka Bay oo ku toogatay Baydhabo qof ay ku eedeeyeen inuu jaajuus u ahaa dalka Itoobiya
- Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif oo ka hadlay ciidamada ay dalalka IGAD u soo dirayaan Soomaaliya