
Sabti 10, July, 2010 (HOL) - Wasiirka nabadgalyada Nathi Mthethwa iyo wafdi uu hogaaminayay ayaa maalintii jimcihii soomaalida kula kulmay xaafadda Khayelitsha ee ku taalla duleedka magaalada Cape Town, kadib markii ay soo if baxday cabsi soo food saartay shacabka soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka koofur afrika,
Bilihii lasoo dhaafay ayaa waxaa si toos ah loogu hanjabayay soomaalida ku nool dalkan oo u badan ganacsato waxana loogu goodiyay in hantidooda la dhici doono lana bara kicin doono hadii aanay ka guurin xaafadaha ay ku ganacsadaan qaar ka mid ah,
Soomaalida iyo dadka kale ee ajnabiga ah kana soo jeeda qaaradda afrika oo si xad dhaaf ah u jooga dalkan koofur afrika ayaa waxa
dadka madoowga ah ee koofur afrikaanka ahi ku eedeeyaan in ay la wareegeen ganacsiyadoodii yar-yaraa iyo walibaa shaqooyinka xoogsiga ah ee ay qaban lahaayeen dadka u dhashay wadankan oo aad saboolka u ah kuna nool xaafadaha isku raranta ah ee ka fog-fog magaalooyinka waaweyn.
Sanadkii 2008da ayaa waxaa dhacay dhac iyo boob saf mar ah oo lala beegsaday qaxootiga ka kala yimid dalka afrikaanka ah oo ay ugu badnaayeen zimbabwiyaanka soomaalida iyo kuwo kale, waqtigaas ayaa waxa qasaare loo geystay kumanaan soomaali ganacsato ah oo hantidoodii la boobay, hadaba si aanay taasi u dhicin ayaa wasiirka boolisku waxa uu la hadlay dadka deegaanka, ururada bulshada, iyo waliba dadka dhibanayaasha ah oo ay soomaalidu ku jirto,
Wasiirka ayaa ku booriyay shacabkiisa in ay nabad galiyaan dadka qaxootiga ah oo walaalahood ah kana yimid wadamo afrikaan ah oo ay ka taagan yihiin dagaalo sokeeye iyo is fahmi waa siyaasadeed, waxaa kaloo uu sheegay in wixii cabasho ah oo ay qabaan usoo gudbiyaan dowlada si wax looga qabto oo aanay iyagu sharciga gacantooda ku fulinin.
waxaa kaloo wasiirku sheegay in ay diyaar u yihiin sidii looga hor tagi lahaa hadiiba ay dhacaan rabshado, lana soo xiri doono cidii lagu helo in ay ka dambeeyeen soona abaabuleen rabshadahaasi,
Waxaa kaloo halkaaso ka hadlay madaxda jaaliyadaha xaafadaha halkaasi ka dhawaa iyo xubno ka socday ururada siyaasada ee dalkan sida ururka ANC, COPE, UDM, oo dhamaantood taageeray ololahan looga soo horjeedo rabshadaha shisheeye nacebka ah oo laga baqayo in ay dhacaan kaddib marka uu dhamaado tartanka koobka kubadda cagta ee ka socda dalkan.

Dhinaca soomaalida waxaa kulankaasi ka qeyb galay ururka ganacsatada soomaaliyeed waxaana halkaasi uga hadlay afhayeenka ururkaas Cabdi axmed aadan oo halkaasi ka sheegay dhibaatooyinka ay qabaan soomaalidu, waxaa kaloo ka qeyb galay madaxda jaaliyadaha soomaalida ee dalkan oo ay ka mdi ahaayeen gudoomiyaha jaaliyada gobolkan western cape mudane cabdi jiidoow, xoghayaha jaaliyadda Maxamed Cismaan Jaamac ( dheereeye) Cabdi wali iyo xubno kale,
Goobta uu shirku ka dhacay ayaa waxa ay aheyd goob ay soo booxiyeen soomaali iyo koofur afrikaan oo dadku ay is dhex fadhiyeen dhamaantoodna ay muujiyeen in ay kasoo wada hor jeedaan qas wadeyaalka, si kastaba ha ahaatee waxaa la filan karaa maalmaha soo socda in ay shacabka dalkan qaar ka mid ahi ay ka dhabeeyaan hanjabaadahooda ah in ay ka daaleen shisheeyaha xad dhaafka ah oo sida ay sheegeen curyaamiyay dhaqaalahoodii soo korayay.
Faarax Daahir, Hiiraan Online
[email protected]
Cape Town, South Africa