Kulan ay Xildhibaannada Baarlamankaa Soomaaliya maanta ku yeesheen Xaruntooda Muqdisho oo buuq ku dhamaaday

Sabti, July 10, 2010 (HOL) − Kulan ay Xildhibaannada Baarlamaanka ku yeesheen maanta Xaruntooda Muqdisho ayaa wuxuu kusoo dhamaaday buuq, kaddib markii xubnaha baarlamaanku ay ku kala aragi duwanaadeen qodobbo ka mid ah xeer hoosaadka baarlamaanka oo lagu sameynayo isbadal.

 

Fadhiga Baarlamaanka ee maanta ayaa waxaa shir guddoominayay guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Soomaaliya C/weli Ibraahim Sheekh Muuddeey waxaa ka hadlay kulanka mudanayaal dhowr ah, kuwaasoo siyaabo kala duwan uga hadlay isbadlka lagu sameynayo xeerar hoosaadyada baarlamaanka.

 

Xildhibaannadii maanta ka hadlay kulanka ayaa waxay qaarkood soo jeediyeen in sidooda lagu dhaafo xeerar hoosaadyada, halka kuwo kalena ay soo jeediyeen in isbadal la sameeyo, maadaama tirada baarlamaanka laga dhigay 550-xubnood.

 

Buuq ayaa ka dhashay Baarlamaanka, iyadoo xildhibaannada qaarkood ay bilaabeen inay qayliyaan, waxaana isku dayay inuu buuqa yareeyo shir guddoonka, balse uma suurogelin, isagoo ugu dambeyn ku dhawaaqay in kulanku xiran yahay.

 

Maalinta Berri ah ayaa lagu wadaa inuu kulan kale oo ku saabsan xeerar hoosaadka uu ka dhaco Xarunta Golaha Shacabka oo haatan fariisin u ah baarlamaanka, waxaana intii uu kulanka socday ammaanka adkeynayay ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

 

Qarax weyn ayaa ka dhacay jidka Maka Al-Mukarama intii uusan kulanka furmin, iyadoo aanay jirin cid wax ku noqotay, waxaase wararku ay sheegayaa in qaraxa lala beegsaday gaari uu leeyahay wasiir ka tirsan Dowladda Soomaaliya.

 

Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa u dhexeeya muran xooggan oo ku saabsan isbadal lagu sameeyo xeerar hoosaadyada, kaasoo u muuqda inay si weyn ugu kala aragti duwan yihiin.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya