Deeq loo qeybiyay dadka qaba cudurka Juudaanka ee ku dhaqan Magaalada Beledweyne.



Sabti, 10, July, 2010 (HOL) Inkastoo aysan aheyn arin cusub in deeq la gaarsiiyo dadka ku dhibaateysan qeybo ka mid ah Magaalada Beledweyne oo dhowr jeer oo hore ay kaalmo soo gaarsiiyeen Jaaliyadaha dibada iyo shaqsiyaad iskood isku xilqaamay, ayaa haddana dhinaca kale waxaa xusid mudan in markii ugu horeysa deeq ka timid Jaaliyadaha dibada loo qeybiyo dadka qaba cudurka Juudaanka oo xero u gaar ah ku leh Magaalada Beledweyne.

Max'ed Sugaal Xassan (Wariiri) oo ka tirsan NGO-ga Geello ayaa HOL u sheegay in kaalamada la gaarsiiyay dadkan xanuunsanaya isugu jirtay Bariis iyo Saliid, waxaana uu intaa ku darray in deeqdaasi ay ka faa'ideysteen ilaa 31 ruux oo tirsan dadkii ku jiray Xerada oo qofkiiba la siiyay ayuu yiri haaf Bariis ah iyo Caag Saliid ah.

Waxaa uu intaa ku darray Max'ed Sugaal in kaalamada oo loo soo wakiishay NGO-ga Geelo ay soo dhibeen
Dhalinyarro ku nool Magaalada Copenhagan ee dalka Denmark kuwaasoo ay Wakiil ka haayeen Dhalinyarrada kala ah Ibraahim Cismaan Yuusuf iyo Abuukar Caanoy.

Cadde Cabdi Shiikhdoon oo ah Afhayeenka dadka qaba cudurka Juudaanka ayaa dhiniciisa u sheegay HOL in ay siweyn u soo dhaweynayaan kaalmada ay soo gaarsiiyeen Dhalinyarrada ku dhaqan dalka Denmark, isaga oo intaa sii raaciyay in deeqadani tahay tii ugu horeysay oo ay helaan.

Dadka qaba cudurka Juudaanka ee ku dhaqan Magaalada Beledweyne waxaa la oran karaa bilihii ugu danbeeyay waxaa la soo darsay xaalado nolal xumo, kadib markii ay waayeen wax daryeel ah inkastoo mar marka qaar dhinaca daawada ay ka saacido hay'adda Zamzam Fundation.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]