
Jimco, 20 February 2010 (HOL)- Munaasibad si wayn loo soo agaasimay oo lagu daah-furayay sabada dhaxal-dhawrka Hadraawi (Hadrawi Heritage Foundation), ayaa xalay lagu qabtay Hutel Maansoor ee Magaalada Hargeysa.
Munaasibaddan oo ahayd mid si wacan loo habeeyay, isla markaana ay ka qayb galeen guud ahaan dhinacyada Bulshada iyo Siyaasiyiinta dalka, ayaa ammaankeeda aad loo adkeeyay.
Ugu horrayn waxa madashaaas ka hadlay Qoraaga Boobe Yuusuf Ducaale oo si qoto dheer uga warramay taariikh-nololeedka Abwaan Maxamed Ibraahim Warsame (Hadraawi) oo ka mid ahaa masuuliyiintii madasha fadhiyay, isla markaana masxafkan dhaqanka loogu magac daray. “Maxamed Ibraahim Warsame oo loo yaqaano Hadraawi, wuxuu sanadkii 1943-kii ku dhashay Miyiga Gobolka Togdheer. Caruurnimadiisii ayay Hooyadii Kaaha Jaamac Buux ay dhimatay, isaga oo yar ayaa Adeerkii Axmed Warsame Siciid (Niibsan) loogu geeyay magaalada Cadan ee dalka Yemen. Aayooyinkii Caasha Maxamed Xasan iyo Shamis Xasan Nuur Qaaje, ayaa halkii Hooyadii u galay. Waxbarashadiisii hoose, dhexe iyo sareba wuxuu ku qaatay Dugsigii sare ee Saint Anthony oo ku yaalay magaalada Cadan, hal sano ayaanu Cadan macallinimo kaga shaqeeyay.” Ayaa ka mid ahaa hadalladii Boobe Yuusuf Ducaale oo ka mid ah Qoraaga Soomaalida. Waxaanu soo jeediyay in dhalinyarta Somaliland iyo guud ahaan Soomaalidaba looga tago dhaxal Suugaaneed iyo mid dhaqameed.
Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Wakiilada Somaliland, fikirka xaruntanna lahaa oo soo qaban-qaabiyay munaasibaddan oo isna halkaa ka hadlay, ayaa ka warbixiyay sababta keentay fikradda xaruntan lagu aasaasay oo uu sheegay inay ku dhalatay isaga ka dib markii uu arkay in aanay jirin meel lagu kaydiyo dhaqanka iyo Suugaanta Soomaalida oo u gaar ah. waxaanu halkaa ku soo bandhigay Buugaag qoran oo ah siyaasadda ay xaruntani ku shaqayn doonto iyo naqshadda dhismaha ee mustaqbalka.
Abwaan Axmed Aw-Geedi (Dheeraad) ayaa isna ku dheeraaday sida uu u dabar-go’ayo dhaqankii Soomaalida iyo kayd-la’aanta suugaanyahanka Soomaalida oo uu sheegay in aan qaar badan oo ka mid ah wax dhaxal ah laga dhigin. “Suugaanyahan badan ayaynaan wax kayd ah ka haynin, Abwaannadii hore oo dhan waxaynu ka haynaa Diiwaanka Maansada ee Tima-cadde oo uu Boobe Yuusuf qoray…waxaan leeyahay runtii waa loo baahnaa xaruntan.” Ayuu yidhi Abwaanku.
Guddoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Saleebaan Maxamuud Aadan oo isna halkaa ka hadlay, ayaa Xukuumadda ugu baaqay inay kaalmo dhaqaale ka geystaan Xaruntan, waxaanu sheegay in Abwaan Hadraawi ay ammaan ugu filan tahay marka la eego dadweynihii xalay madashaa isugu yimi miisaankooda.
Wasiirka Dhaqanka iyo Dalxiiska Somaliland Cabdirisaaq Waaberi Rooble oo isna halkaa ka hadlay ayaa soo dhaweeyay Xaruntan, isla markaana sheegay in ay Wasaarad ahaan gacanta ku hayaan taariikh badan iyo agab kala duwan oo Somaliland qaddiim ku ah iyo guud ahaan dhulka Soomaalida. Waxaanu tilmaamay in Somaliland goobo ka mid ahi ay ka taariikh horreeyaan dhulka Masaarida.
Waxa kale oo halkaa ka hadlay Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) oo sheegay in baahi loo qabay xarun noocan oo kale ah, waxaanu fikirkaa ku ammaanay Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi.
Sidoo kale, dadkii halkaa ka hadlay waxa ka mid ahaa Xil. Cabdikariim Aw-Cali Shabeel oo ka mid ah Golaha Wakiilada Somaliland, Maxamed Baarjeex oo ka mid ah Ganacsatada, Abwaan Maxamed Aadan Dacar, Fannaanada Saynab Cige iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, kuwaas oo dhammaantood fikirkooda ku cabbiray sida loogu baahan yahay madal noocan oo kale ah oo lagu dhawro dhaqanka iyo Suugaanta Soomaalida.
ugu dambayntii, waxa halkaa lagaga dhawaaqay qaadhaan-ururin, taas oo keentay in dadkii munaasibadda ka qayb galay badankoodu ay ku yaboohaan inay bixinayaan Lacago kala duwan, Xoolo nool iyo agab kale. Lacagta lagu yaboohay oo dadku ay ballan-qaadeen inta u dhaxaysa 500 - 10,000 oo Dollar, ayaa gebogebadii noqotay 64,100 oo Dollar.




Barkhad M. Kaariye Hiiraan Online
Hargeisa, Somaliland