Wasiirrada xukuumadda Soomaaliya oo soo dhaweeyay heshiiskii ay Ahlusunna Waljamaaca iyo Dowladdu gaareen

Jimco, Feb 19, 2010 (HOL) Wasiirrada Dowladda Soomaaliya ayaa taageeray heshiis ay Dowladda Soomaaliya iyo Ururuka Ahlusunna Waljamaaca ku gaareen dalka Itoobiya, kaasoo lagu gaaray heshiis hordhac ah balse aan weli la saxiixin.

 

Afhayeenka Xukuumadda C/qaadir Max'ud Walaayo oo saxaafadda shir jaraa'id qabtay markii uu kulan ay wasiirrada Dowladdu shalay yeesheen soo gabgaboobay ayaa sheegay in wasiirradu ay soo dhaweeyeen heshiiska lagu gaaray Addis Ababa.

 

"Golaha wasiirradu waxay si buuxda u taageereen heshiiska ay wada-gaareen Dowladda iyo Ururka Ahlusunna, iyadoo lasoo dhaweynayo koox walba oo nabad wax ku doonayso heshiiskii lala galo" ayuu yiri Walaayo.

 

Shirka Wasiirrada ayaa waxaa guddoominayay Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke isagoo sheegay in heshiiskan uu qayb ka yahay geedi-socodka nabadeed ee ay dowladdu waddo, ayna cid walba oo heshiis ogol la hadlayaan.

 

C/qaadir Walaayo oo la weydiiyay in Dowladdu ay raalli ku tahay qodobbadii kasoo baxay heshiiskaas iyo in kale, ayaa sheegay in faahfaahin laga bixin doono marka uu dib u soo laabto wafdiga dowladda ku matalayay wadahadalladaas.

 

Heshiiska ay gaareen Ahlusunna Waljamaaca iyo Dowladda Soomaaliya ayaa ahaa mid awoodda ay labada dhinac ku qaybsanayeen, waxaana ururkan uu noqonayaa kii labaad oo ka mid noqda Dowladda Soomaaliya marka la eego heshiiskii Jabuuti.

 

Dhanka kale, golaha wasiirrada ayaa shalay ka dooday qodobbo ay ka mid yihiin: sidii wax looga qaban lahaa dadka Soomaaliyeed ee ku jira jira xabsiyada caalamka, Maraakiibta Dowladda Soomaaliya ee ku sugan dalka Yemen iyo sidii Jaamacadda Carabta ay kaalin uga qaadan lahayd dib u heshiisiinta iyo nabad kusoo celinta Soomaaliya.

 

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

[email protected]

Muqdisho, Soomaaliya