Jimco, Feb 19, 2010 (HOL) Ugu yaraan laba qof ayaa ku dhintay dagaal xalay ka dhacay deegaanka Sarkuusta oo u dhexeysa Ex-koontarool Afgooye iyo KM-13, iyadoo ay ku dhaawacmeen tiro kale oo dad ah.
Dagaalkan oo u dhexeeyay Dowladda iyo Xarrakatul Shabaab ayaa yimid markii la weeraray xerada Asluubta oo saldhig u ah ciidamada Dowladda Soomaaliya, iyadoo dagaalkii dhacay uu socday muddo hal saac ah.
Dadkii ku dhintay dagaalka iyo kuwii ku dhaawacmay ayaa waxay ka tirsanaayeen dhinacyadii dagaalamay, waxaana madaafiic xooggan ku garaacay goobihii uu dagaalku ka socday iyo deegaanno ku dhow oo lagu barakacay ciidamada AMISOM.
Inkastoo aan la sheegin khasare ka dhalatay madaafiicda ayaa haddana dadkii ku noolaa xaafadda Garasbaalley oo ku dhow halka uu dagaalku ka dhacay ay saakay ka guureen guryahoodii oo ay barakac ku ahaayeen.
"Saakay deegaannada Garasbaalle iyo KM-13 oo ay ku noolaayeen dad barakac ahaa waxa ka bilowday barakac kale, iyadoo dadku ay aadayaan dhinaca ceelasha oo ammaan ahaan ka wanaagsan deegaannadan" ayuu yiri Axmed oo ka mid ah dadka deegaanka.
Dagaallada u dhexeeya dhinacyada iskasoo horjeeda ayaa waxay sababeen inay dad badan ka qaxaan goobaha ay ku hardamaan, waxaana dagaalladan ay imaanayaa iyadoo dhawaanahan ay jireen dhaqdhaqaaqyo ciidan oo ka socda Muqdisho.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
Muqdisho, Soomaaliya