Jimco, Feb 19, 2010 (HOL) Madaxa Warfaafinta ee Jabhadda ONLF Xasan Max'ed Nuur oo ku sugan dalka Qatar ayaa sheegay inaysan waxba ka jiri warar sheegaya inay lug kul leeyihiin dagaallada u dhexeeya kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka socda Gobollada Jubbooyinka.
Mas'uulka u hadlay ONLF ayaa u sheegay warbahainta Muqdisho in ciidamadooda aysan ku sugnayn gudaha dalka Soomaaliya oo ay dagaallo kula jiraan Dowladda Itoobiya wararka sheegaya inay gacan siiyaan Sheekh Axmed Madoobana ay yihiin kuwo been ah.
"Jabahaddeenu lug kuma lahan dagaallada ka socda Soomaaliya ee u dhexeeya Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam, dhowr jeer oo hore ayaana maqalnay iyadoo saraakiil ka tirsan walaalaha qaar ay nagu eedeynyaan dagaalka" ayuu yiri Xasan.
Afhayeenka Maamulka Jubbooyinka ee hoostaga Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa dhowr jeer oo hore sheegay in Sheekh Axmed Madoobe ay dagaallada kula jiraan ciidamo ka tirsan ONLF oo lagu diyaariyay deegaanno ka tirsan Jubbooyinka.
Madaxa warfaafinta ONLF wuxuu sheegay inaysan jirin meel ay kala xaajoodaan Xarrakatul Shabaab uguna sheegaan inaysan dagaaladaas qayb ka ahayn, isagoo xusay in dhowr jeer uu isku dayay inuu la xiriiro madaxda Xarrakada, balse ay u suurogeli waday.
Dhanka kale, Sheekh Axmed Madoobe oo ka tirsan Xisbul Islaam ayaa horay isaga fogeeyay inay ka barbar dagaalamaan ciidamo ka tirsan Jabahadda ONLF, wuxuuna ku tilmaamay wararkaas kuwo aan sal iyo raad lahayn.
Jabahadda ONLF ayaa waxay ka dagaalantaa Ismaamulka Soomaalida Itoobiya, waxayna madaxdoodu sheegeen inay halgan ugu jiraan sidii ay Gobolladaas uga xoreyn lahaayeen dowladda Itoobiya.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
Muqdisho, Soomaaliya