Maamulka Alshabaab ee Gobollada Jubbooyinka oo ka warbixiyay Xaaladda Deegaanka Dhoobley oo ay shalay dagaallo ka dhaceen

Jimco, 20 February 2010 (HOL)- Afhayeenka wilaayada isalaamiga ah ee jubooyinka sheikh  xasan yacquub cali  oo maanta shir’jaraa’id ku qabtey xafiiskiisa ku yaal guriga gobolka ee gudaha magaalada kismaayo ayaa waxa uu  ka war bixiyey xaalada deegaanka  dhoobely  oo ay shalay gelinkii danbe dirir ku dhex martay xoogaga alshabaab iyo Ciidamadii uu horkacayay Sheekh Axmed Max’ed Islaam Axmed Madoobe.

 

Sheikh Xasan Yacquub Cali ayaa  sheegay in  saake aroortii  ay ciidamadooda si nababgelyo ah kula wareegeen Deegaanka Dhoobley oo ay shalay qabsadeen ciidamadii uu watay Axmed Madoobe kadib dagaal xoogan oo halkaasi ku dhex maray labada ciidan,  isagoona intaasi ku daray in Ciidamadii uu watay Sheekh  Axmed  Madoobe ay isaga baxeen Deegaanka Dhoobley kadib markii ay  arkeen ama ay ka war heleen buu yiri in  ay ku soo wajahanyihiin dhankooda  ciidamo xoogan oo ku qalabeysan hubka noocyadiisa kala duwan iyo gaadiidka dagaalka.

 

Sidoo kale Sheekh Xasan Yacquub Cali waxa uu sheegay in Ciidamadii weeararka ku soo qaaday Deegaankaasi Dhoobley ay ahaayeen ciidamo uu hogaaminayay  Axmed Madoobe iyo kuwo katirsan Jabhadda ONLF iyo ciidamo uu sheegay in ay ka tirsanyihiin kuwa Dowlada KMG ah ee Soomaaliya oo mudooyinkii ugu danbeeyay ku sugnaa xadka kala qeybiya Kenya iyo Soomaaliya waa siduu hadalka u dhigaye.

 

Hadalkan maanta kasoo yeearay Madaxa Warfaafinta Wilaayada Islaamiga ah ee Jubooyinka ayaa ku soo beegmaya xilli Ciidamo katirsan xoogaga Alshabaab ee Jubooyinka ay saaka  si nabadgelyo ah kula wareegeen deegaanka Dhoobley kadib markii ay isaga baxeen halkaasi ciidamadii shalay qabsaday ee uu watay Sheekh Axmed Madoobe.

 

Xasan Nuur, Hiiraan Online

[email protected]

Kismaayo, Soomaaliya