
Jimco, Feb 19, 2010 (HOL) Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo hadal ka jeediyay xaflad loogu duceynayay Wasiirkii Isboortiga iyo Dhalliyarada Marxuum Saleebaan Colaad Rooble oo dalka Sucuudiga ku dhintay ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay wada hadal.
Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dilkii Suleymaan Colaad Rooble iyo Wasiirradii kale ee dowladda loo geystay ay ahayd xaqdarro, ayna beegsadeen dad uu ku sheegay in si khaldan wax loogu sheegay.
"Dowladdu ma doonayso inay dagaal ku xalliso dhibaatada ka taagan dalka Soomaaliya, balse waxay kooxaha kasoo horjeeda ugu baaqaysaa nabad iyo wadahadal" ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif.
Madaxweynuhu wuxuu ka digay in la beegsado dadka wax galka u ah bulshada Soomaaliyeed, isagoo uga digay kooxaha kasoo horjeeda inay dadka dhiiggiisa banneystaan, isagoo sheegay in diinta oo wax lagu xukumo ay ka horeyso barasho.
"Kooxaha dowladda kasoo horjeeda waxaan ugu baaqaynaa wadahadal, kaalaya oo soo fariista miiska si loogu dhameeyo khilaafka hadal iyadoo aan xabbad la ridin" ayuu si daggan u yiri Madaxweyne Sheekh Shariif.
Sheekh Shariif wuxuu sheegay in dowladdiisu ay xoogga saarayso sidii ay nabad ugu soo dabbaali lahayd dalka, isagoo xusay in diinta, dalka iyo dadka ay mas'uul ka tahay dowladda, laguna heli karo dowladnimo iskaashi iyo midnimo.
"Dowladunimadu waa qayb ka mid ah diinta, haddii aan dowlad la helinna waxba ma jiri karaan, marka waxaan ku baaqayaa in dowladnimada la ilaaliyo" ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif.
Dhanka kale, Sheekh Mukhtaar Roobow Cali oo shalay saxaafadda kula hadlay Baydhabo ayaa sheegay in dhankooda aysan joojinayn dagaallada ay kula jiraan Dowladda iyo AMISOM inta ay ka gaarayaan hadafkooda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
Muqdisho, Soomaaliya