Jimce Feb 19, 2010 (HOL) Maamulka DGPL ayaa sheegay in la bilaabayo qorshayaal ku aadan amni sugida gobolka oo ay ka dhaceen falal dilal ah Maalmihii la soo dhaafay.
Madaxwayne ku xigeenka Puntland C/samad Cali Shire oo shir ku qabtay guriga Madaxtooyada ayaa arintaa u sheegay warbaahinta ,isagoo tacsi u diray dad siyaabo kala duwan loogu dilay meelo kamid ah Puntland.
Waxaa kaloo Madaxwayne ku xigeenku uu sheegay in arintaa ay kala kaashanayaan shacabka oo uu ku eedeeyay in aysan la shaqayn laamaha amaanka ee Maamulka.
Wax kasta oo dhacay eeda qaar waxaa leh shacabka ,sababtoo ah lama shaqeeyaan Boliska "ayuu yiri Madaxwaynaha isaga oo kusugan magaalada Garowe ee Caasimada Puntland.
Sidoo kale C/samad Cali Shire Madawayne ku xigeenka DGPL ayaa shirka ka qiray in xubno la shaqeeya ururka Alshabaab ay joogaan gudaha Puntland,isla markaana ay ka danbeeyaan dilal ka dhacay meelo ka mid ah Puntland.
Ugu danbayntii hadalka ka soo yeeray Madaxwayne ku xigeenka ayaa fariin u noqonaya Kooxda Alshabaab ,Waxaana la filayaa in ay fulaan balanqaadka maamulka ee ku aadan dhinaca amaanka.
Faisel Maxamed Hassan(Boston),Hiiraan Online
Boosaaso,Soomaaliya