Wasiirkii Isboortiga Soomaaliya oo Tacsi heer Qaran ah loogu sameeyay Madaxtooyada Soomaaliya (Daawo Sawirro)


Jimce  Feb 19, 2010 (HOL) (Muqdisho, Soomaaliya, Febraayo 18, 2010) Tacsi Qarameed ayaa maanta Madaxtooyada Soomaaliya loogu sameeyey, Alle ha u naxariistee, marxuum Saleebaan Colaad Rooble, Wasiirkii hore ee Dhallinyarada iyo Sportiska,  oo 12-kii bishaan  ugu dhintay dalka Sucuudiga, dhaawac culus uu ka soo gaaray, falkii argagixiska ahaa ee December 3, 2009 ka dhacay Hotel Shamo.

 

Xafladaas waxaa ka soo qayb galay Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Sheekh Sharif Sheekh  Axmed, Guddoomiyaha Baarlamaanka Mudane Sheekh Aaden Maxamed Nuur, Wasiirka 1-aad, Mudane Cumar C/rashiid Cali Sharmarke, inta badan xubnaha Golaha Wasiirada, bahda sportiska, saraakiil ciidan, culumaa’u diin, eheladii marxuumka, saaxiibadiis iyo saraakiil badan oo dowladda ka tirsan.

 

Xafaladda waxaa lagu bilaabay quraan akhris, waxaa ku xigey wacdi diini ah, waxaa la fiirsaday filim laga soo qaaday maalintii ifeysey ee Al Shabaab ay madowga u badaleen ee December 3. Waxaa ku xigey hadallo kooban oo ay soo jeediyeen Wasiiradda Horumarinta Reer Miyiga, Khadiijo Diiriye oo ah sii haya xilka marxuumku ka geeriyooday, iyada oo Khadiijo ay ka warrantay shaqooyinkii, uu Alle ha u naxariistee Saleebaan ka qabtay hawlaha dhallinyarada iyo sportiska Soomaaliya.

 

Intaa kaddib, waxaa madasha hadallo duco iyo ammaan isugu jira ka soo jeediyey Wasiirka 1-aad, oo sheegay in halgankii Saleebaan Colaad Rooble aan la hilmaami doonin, kaddibna waxa hadalka ku wareejiyey, Guddoomiyaha Baarlamaanka, oo aayado badan oo Quraan ah akhriyey kuwaas oo ka warramaya xaaraamnimada dilka Muslimka, sheegayna in kuwa khasaaray ay yihiin kuwa dhiigga Muslimka galay, haddana weli ku sii socda oo qaarkood xalay miino ay dhigayeen ay ku qaraxday.

 

Waa munaasabadda soo gaba-gabeeyey, Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Sheekh Shariif Sheekh Axmed, oo ka sheekeeyey xiriirkii ay lahaayeen Marxuum Saleebaan, sheegayna in uu ahaa nin qaali ah oo aad u firfircoon, dadka Qarankana u dhintay.

 

Bishii hore ayay ahayd markii Madaxweynuhu uu billadda ugu sarraysa biladaha Qaranka siiyey afartii Wasiir oo horay argagixisadu u dishey iyo Saleebaan oo markaas dhaawac ahaa iyo laba sarkaal oo kale oo ku dhintay iyaga oo danta, dalka, dadka iyo diinta u taagaan.

 

Madaxweynuhu waxa uu Ilaahay u weydiiyey in uu janada ka waraabiyo Saleebaan iyo saaxiibadiis Caddow, Waayeel, Qamar, iyo Cumar Xaashi. Shabaabka iyo xisbul Islaamna axa uu ugu baaqay in ayh nabad iyo wadahadal qaataan, kana joogsadaan falalka dilka Muslimka ee qofkii ku dhaca halaagga u soo jiida. Albaabku waa idiin furan yahay ayuu yiri ee “naftiinna iyo shacabkaba halaagga ka joojiya.”








 

Xafiiska Warfaafinta Madaxtooyada

 Email: [email protected]