Jimco, Feb 19, 2010 (HOL) Hay'adda Cunnada Adduunka ee WFP ayaa gaashaanka ku dhuftay hadal kasoo baxay dowladda Mareykanka oo ah in gargaarka ay geyso Soomaaliya uu gacanta u galo kooxaha kasoo horjeeda Dowladda Soomaaliya.
Afhayeenka WFP Peter Smardon oo saxaafadda kula hadlay Nairobi ayaa sheegay in hay'addu aysan lacago iyo raashin siin Xarrakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam oo kasoo horjeeda Dowladda Soomaaliya, hadalka Mareykanka kasoo baxayna uu yahay mid aanay waxba ka jirin.
"Hay'addu ma jirto wax dhaqaale ah oo ay siiso kooxaha dowladda ku kacsan, sidoo kale ma jirto raashin aan siinno, gargaarka waxaan gaarsiinnaa goobaha ay ku sugan yihiin dadka baahan" ayuu yiri Smardon.
Dowladda Mareykanka ayaa dhawaan sheegtay inay joojinaysay gargaar ay ku bixin jirtay xaaladaha bani'aadamnimo ee Soomaaliya ka jira, waxayna sabab uga dhigeen in gargaarka oo dhan uu gacanta u galo Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.
"Waxaan hadalka Mareykanka u aragnaa mid siyaasad ku dhisan, wuxuuna kasii daray xaaladda bani'aadamnimo ee ka taagan dalka ay dagaalladu la dageen" ayuu yiri Peter Smardon.
Hay'addaha WFP iyo FAO ayaa labaduba waxay ku sheegeen warbixintoodii ugu dambeysay in 42% dadka Soomaaliyeed ay u baahan yihiin gargaar deg-deg ah, kuwaasoo ay sheegeen inay kordheen markii la joojiyay gargaarka caalamiga ah.
Qarammada Midoobay iyo Mareyakanka ayaa kulan ay ku yeesheen New York waxsay isku afgaran waayeen gargaar la geynayo Soomaaliya, iyadoo Mareykanku uu ku adkeystay in dabagal lagu sameeyo halka uu tago gargaarka.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
Muqdisho, Soomaaliya