Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud oo maanta kusoo bandhigtay Magaalada Muqdisho adeegyo isgaarsiineed oo casi ah (DAAWO SAWIRRO)


Talaado, April 27, 2010 (HOL) Shirkadda Isgaarsiinta Hormuud ayaa maanta soo bandhigtay qalab cusub oo isugu jira gaadiid ay ku rakiban yihiin Anteenooyinka guurguura (BTS) iyo Taleefoonnada gacanta oo lagu kaarikeynayo Qorraxda (Solar Mobile).

Xaflad lagu qabtay mid ka mid ah xarumaha waaweyn ee Shirkadda Hormuud ayaa lagu soo bandhigay qalabkan; iyadoo ay mas'uuliyiinta shirkadda sharraxaad ka bixinaya qalabka cusub oo ah kii ugu horreeyay oo dalka la keeno.


"Qalabkan cusub ee ay keentay Shirkadda Hormuud oo ay ka mid yihiin gaadiidka ay ku rakiban yihiin Anteenooyinka Guurguura iyo Mobile lagu kaarikeeyo qorraxda oo loogu talogalay dadka ku nool goobaha aan laga heli karin korontada" ayuu yiri Eng. Maxamed Xasan Gooni oo ka hadlay xafladda lagu soo bandhigay Qalabka.

Gaadiidka ay ku rakiban yihiin Anteenooyinka guurguura ayuu sheegay in loogu talogalay in lagu siiyo quwad Mobile-da Hormuud xiliyada ay suurogal noqon waydo in taleefoonka uu si dhaqso badan ku galo hawada.

"Baabuurtan Anteenooyinka guurguura wada waxaa loogu talogalay in la geeyo goobaha ay dadku isugu tagaan, si ay ugu fududeeyeen adeegyada Isgaarsiineed ee GMS-ka Hormuud si ay dadku dhaqso ugu wacdaan meel walba oo dunida ku taalla" ayuu yiri Eng. Cali Caddaawe oo isaguna ka hadlay xafladda.

Qalabkan ayaa la sheegay inay tagayaan goob walba oo ay ciriiri anteeno ka jirto, sida Suuqyada, Shirarka, Mudaaharaadyada iyo goob walba oo ay dad badan ku kulmaan, si ay u helaan adeeg isgaarsiineed oo tayo sare leh.

Madaxa qaybta Suuq-geynta C/xakiin Xasan Iidow oo xafladda k hadlay ayaa ka warbixiyay qalabkan cusub, isagoo sheegay inay shirkaddu ugu talogashay inay ku horumariso Isgaarsiinta dalka, ayna go'aankan qaateen markii ay ogaadeen baahida ay dadku qabaan.

"Taleefoonka Qorraxda lagu kaarikeeyo wuuu joogaa qiimo ahaan 30-Dollar, waxaana ugu talogalnay inay ka faa'iideystaan dadka ku nool meelaha aan laga heli karin korontada iyo miyiga" ayuu yiri C/xakiin Xasan Iidow, oo sheegay in tani ay tahay horumarin lagu sameynayo GSM-ka Hormuud.

C/xakiin wuxuu sheegay in taleefoonkan uu yahay mid ay shirkaddu si gaar ah u sameysatay uuna ku shaqeyn karo oo keliya SIM CARDS-ka shirkaddu ay bixiso, isagoo intaas raaciyay inuu leeyahay FM-radiyo oo uu qof walba ka dhageysan karo idaacadaha ku yaalla goobta uu ku sugan yahay.

Eng. Yaasiin oo isaguna saxaafada la hadlay ayaa sheegay in Shirkadda Hormuud ay qorsheynayso in mustaqbalka dhow ay qalab cusub oo casri ah kusoo kordhiso Isgaarsiinta dalka, sida Internet loo adeegsan karo GSM-ka oo aad u fudud.

Mas'uuliyiintii ka hadlay xaflada ayaa waxaa ka mid ahaa C/kariim Maxamed Kaariye oo ka mid ah mas'uuliyiinta shirkadda Isgaarsiinta Hormuud isagoo xusay in qalabkan cusub uu yahay midkii ugu horreeyay oo ay keenaan shirkadaha Isgaarsiinta dalka.







Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya