Talaado, April 27, 2010 (HOL) Maamulka Shirkada Towfiiq General ayaa Maanta deeq qaybo kala duwan isugu jirto Gaarsiiyay 37 caruur horay darbi jiif ugu ahayd magaalada Bosaso ee xarunta Gobolka Bari.
Deeqdan ayaa ka koobnayd 45 Cartoon oo raashinka qaybihiisa kala duwan ah iyo Cabitaan oo ay sii dheertahay lacag shilin soomaali ah oo gaaraysa 32,0000 Malyan.
Xubnihii ka tirsanaa shirkada Towfiiq ee booqday Caruurtan Masaakiinta ah ,Waxaa ka mid ah C/kaafi Axmed Siciid oo ah Madax Xiriirka dadwaynaha shirkadaasi iyo Maxamed Daahir Faarax oo ah Maamule ku xigeenka Shirkada Towfiiq.
Madaxa Xiriirka Dadwaynaha ee Shirkada Towfiiq oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in shirkadu Deeqdan ay u bixinayaan sadaqa ahaan si loogu caawiyo caruurtan oo horey u darbi jiif u ahaa.
Waxaa Kaloo uu sheegay in loo baahanyahay sidii hal meel la isugu keeni lahaa Caruurta Dari jiifka ah ee Magaalada Bosaaso , Waxaana uu Ganacsatada ugu baaqay in in Shirkada Towfiiq lagu daydo.
Maxamed Jaamac oo ah Masuulka gacanta ku haya caruurtan ayaa sheegay in ay ka mahadcalinayaan Deeqdan loo keenay caruurta oo badankood aysan waalidiintood joogin magaalada,Waxaana uu tilmaamay in hada ay si wanaagsan u barteen Magacyada ilaahey iyo Tafsiirka quraanka Kariimka ah.
Ugu Danbayntii Maamulka Gacanta ku haya Caruurtan ayaa Maamulka Gobolka iyo kan degmada ku eedeeyay in aysan wax xil ah iska saarin baahiyaha ay Qabaan Caruurtan oo hada ay wax badan iska badashay noloshooda.
Faisel Maxamed Hassan(Boston),Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso,Somaliya