Talaado, 27, April, 2010 (HOL) Kadib markii uu sii xoogeysan khilaafka u dhaxeeya Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa markiiba arintaa walaac iyo cabsi ka muujisay QM oo sheegtay in khilaafka u dhaxeeya Mudanayaasha Baarlamaanku aheyn mid micno badan ku fadhiya islamarkaana horseedi karra bur bur ku dhaca Dowladda Soomaaliya.
Ergeygga gaarka ee QM u qaabilsan arrimaha Soomaaliya Axmedu Walad Cabdalla oo war saxaafeed ka soo saaray Xafiiskiisa Magaalada Nairobi ee dalka Kenya ayaa sheegay in uu la yaaban yahay waqtiga badan ee la galiyay muranka ka dhax aloosa Xildhibaanada Soomaaliya, halkii loo baahnaa in waqtigaa lagu bixiyo howlo kale oo hor yaalla Dowladda sida xal u helida Xoogagga ku kacsan Dowladda iyo waliba hergalinta hishiiskii ku dhaxmaray Magaalada Addis Ababa Dowladda Soomaaliya iyo Ahlu Sunna Waljameeca.
'' Waxaan ka walaacsnahay islamarkaana aan aad uga niyad jabay awood xad dhaafka ah ee la galiyay muranka aan cilmeysneyn ee ka dhax oogan Xildhibaannada Soomaaliya, taa badalkeeda waxaan jeclaan lahaa in awoodaa xad dhaafka lagu bixiyo in la qaado talaabooyin kale oo wax lagaga qabanayo amaanka gudaha'' ayuu yiri Axmedu Walad Cabdalla oo ka codsaday Mas'uuliyiinta Dowladda in ay soo afjaraan muranka noocaa oo kale ah.
War saxaafadeedka uu soo saaray Ergeygga QM ayaa looga codsaday Mas'uuliyiinta ugu sar sareeysa Dowladda iyo Xildhibaanada Soomaaliya in ay gartaan howlaha ay ka sugayaan shacabka Soomaaliyeed halkaa ay ku mashquuli lahaayeen qodobo aan meeshaba oolin, waxaana uu War saxaafadeedku ku wargalinayaa Dowladda Soomaaliya in lagu fagaado bur bur ku yimaada hishiiskii Jabuuti iyo Dowladdii awood qeybsiga ku dhisneyn ee laga unkay hishiiskaasi.
Inkastoo QM walaac ka muujineyso si uu u sii xogeysanayo muranka dhinaca sharciga ah ee u dhaxeeya Mudanayaasha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa haddana waxaaa muuqanaya in wali Xildhibaannadu ku dhagan yihiin doodooda ku saleysan sharciyada Guddoonka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, waxaana kulan maalitii shalay ay ku yeesheen Madaxweynaha Soomaaliya iyo qaar ka mid Xildhibaannada leysku afgartay in Cod loo qaado Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya.
C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]