SHEEKH XASAN DAAHIR AWEYS: "Sheekh Axmed Madoobe wuxuu heshiis la galay Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya, wuxuuna noola mid yahay iyaga"

Talaado, April 27, 2010 (HOL) Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam Sheekh Xasan Daahir Aweys oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa sheegay in Sheekh Axmed Maxamed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) oo ka mid ahaa saraakiisha ururkooda uu heshiis la galay Dowladaha Soomaaliya iyo Kenya.

Sheekh Xasan Daahir wuxuu shirkiisa jaraa'id ku sheegay in Ururkiisa uusan lug ku lahayn heshiisyada uu galay Sheekh Axmed Madoobe, isagoo sheegay inuu ula mid yahay kooxaha dagaalka kula jiraan.

"Waxaan helnay warar sheegaya in Sheekh Axmed Madoobe oo Xisbul Islaam ka mid ahaa uu heshiis la galay xubno ka tirsan Dowladda Soomaaliya sida Prof. Gaandi, iyagoo ku heshiiyay inay difaacdaan Jubbooyinka" ayuu yiri Sheekh Xasan Daahir Aweys.

"Sheekh Axmed Madoobe wuxuu maanta wixii ka dambeeya noola mid yahay kuwa aan dagaalka kula jirno, maadaama uu cadowga la saftay" ayuu hadalkiisa dabo dhigay Guddoomiyaha Ururka Xisbul Islaam.

Sheekh Xasan Daahir wuxuu soo hadal qaaday dagaalladii ku dhexmaray iyaga iyo Xarrakatul Shabaab Gobollada Jubbooyinka kuwaasoo uu ku sheegay inay ahaayeen kuwo kuwo looga gardaran yahay ururkooda, ayna horay u codsadeen in la joojiyo.

Madaxii ururka Xisbul Islaam ee Gobollada Jubbooyinka Sheekh Axmed Madoobe oo Xarrakatul Shabaab ay xoog kaga saareen Gobolladaas ayaan ka jawaabin hadalka kasoo baxay Sheekh Xasan Daahir Aweys oo ay aad isugu dhawaayeen.

Dhanka kale, Sheekh Xasan Daahir Aweys wuxuu shirkiisa jaraa'id ku sheegay inay uga digayaan dalalka Itoobiya, Kenya, Uganda iyo Burundi inay faraha kala baxaan arrimaha dalka Soomaaliya, isagoo sheegay haddii ay kala bixi waayaan in dagaalka ay wadaan ay ku baahin doonaan Dalalkaas.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya