Madaxweynaha Soomaaliya oo maanta shaaciyay in xal laga gaaray khilaafkii u dhexeeyay Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya

Talaado, April 27, 2010 (HOL) Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay in la dhameeyay khilaafkii u dhexeeyay Guddoonka Baarlamaanka iyo Xildhibaanadii kasoo horjeeday.

Madaxweynuhu oo ay hareerihiisa fadhiyeen Ra'iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharma'arke iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) ayaa sheegay in lagu heshiiyay inay dib u furmaan kulamada baarlamaanka.

"Khilaafka waxaa lagu dhameeyay qaab sharciga dalka u dagsan waafaqsan oo ay ku jirto danta dalka iyo dadka, waxaan beesha caalamka iyo shacabka Soomaaliyeed uga cudurdaaranaynaa inay raalli ka ahaadaan walwalkii galay intii uu khilaafku jiray" ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Inkastoo uusan carrabka ku dhufan Madaxweyne Sheekh Shariif xilliga ay furmayaan fadhiyada baarlamaanka oo dhowr jeer dib u dhacay khilaafka awgiis ayaa sheegay inay furmi doonaan maalmaha soo socda Xildhibaannada oo mideysan.

Wuxuu sheegay Madaxweyne Sheekh Shariif intii uusan ku dhawaaqin in la xalliyay khilaafkii u dhexeeyay baarlamaanka wuxuu shirar la qaaday mudanayaashii iskasoo horeeday, kuwaasoo u muuqday kuwo tanaasulaad sameeyay.

"Dhibaato badan ayaan kasoo marnay xallinta khilaafka, waxaana gacan weyn ka geystay sidii loo xallin lahaa khilaafkan Wasiirka Arrimaha Diinta iyo Owqaafta dalka Jabuuti oo marti noo ahaa" ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Mudanayaasha kasoo horjeeday guddoonka baarlamaanka ayaa sheegay kaddib kulan ay shalay la qaateen Madaxweyne Sheekh Shariif in la isku afgartay in codka kalsoonida loo qaado Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Madoobe.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya