Weerar Ismiidaamin ah oo lala beegsaday saldhig ay ciidamada AMISOM dhawaan ka sameysteen Magaalada Muqdisho

Talaado, April 27, 2010 (HOL) Qarax Ismiidaamin ah ayaa maanta lagu weeraray ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM oo Todobaadkii hore fariisin cusub ka dhigtay Bankigii hore ee Ganacsiga, kaasoo ay mas'uuliyadiisa sheegatay Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Saraakiil u hadlay Ciidamada AMISOM ayaa sheegay in qaraxaas oo aad u weynaa ay kaga dhaawacmeen laba askari, khasaare kale oo kasoo gaartayna aysan jirin, iyadoo saraakiil u hadlay Xarrakatul Shabaab ay sheegeen inay qaraxa ku dileen askar badan.

Taliyah Ciidamada Booliiska Gobolka Banaadir Col. Axmed Xasan Maalin oo ka hadlay qaraxa ayaa sheegay in loo adeegsaday gaadiidka dhagaxda qaada oo dusha sare laga saaray fuustooyin ay ka buuxaan waxyaabo qaraxa, uuna qarxay intii uusan gaarin halkii loogu talogalay.

"Baabuurka waxaa ka buuxayay waxyaabaha qarxa waxaana xabbado ku furay ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda, taasoo keentay inuu ku qarxo meel aad uga fog halka ay ciidamadu ku sugnaayeen" ayuu yiri Taliyaha Booliiska Gobolka Banaadir.

Qaraxa oo si weyn looga maqlay Muqdisho ayaa waxaa dadka ku dhintay waxaa la sheegay inuu yahay qofkii gaariga waday oo keliya, waxaana Afhayeenka AMISOM Maj. Behuko Brighiye uu sheegay in qaraxaas ay ka warheleen uuna ahaa mid laga shaqeynayay saddexii maalmood ee lasoo dhaafay.

"Waxaa Qaraxa lagu weeraray saldhig ay ciidamadeennu ka sameysteen dhawaan Bankigii Ganacsiga ee Degmada Shingaani, waxaana ognahay dhaawaca laba askari ma jirto khasaare kale oo naga soo gaaray" ayuu yiri Afhayeenka AMISOM.

Ma ahan markii ugu horreysay oo weerarro noocan oo kale ah lala beegsado xarumo ay ciidamada AMISOM ku leeyihiin Muqdisho, waxaase horay loogu weerary qarax Ismiidaamin ah Saldhiggooda ugu weyn ee Xalane, kaasoo ay sababay khasaare badan.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online

[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya