Qarax ka dhacay Afaafka hore ee Masjidka Abuu-hureyra ee Muqdisho oo sababay dhimasho iyo dhaawac gaartay dad rayid ah

Talaado, April 27, 2010 (HOL) Qarax weyn oo maanta ka dhacay afaafka hore ee Masaajidka Abuu-Hureyra ee Suuqa Bakaaraha ayaa sababay dhimashada ugu yaraan laba qof iyo dhaawaca lix qof oo dhammaantood ahaa shacab.

Qaraxan ayaan la ogeyn wuxuu ka dhashay iyo cidda ka dambeysay, waxaana dadka dhintay oo ganacsato ahaa mid ka mid ah lagu magacaabi jiray Sheekh Axmed sida ay sheegeen dadkii halkaas ku sugnaa marka uu qaraxu dhacay.

"Waxaan maqalnay qarax weyn, markiiba waxaan arkay Sheekh Axmed oo dhintay iyo dad badan oo meesha daadsan, waxaan dhintay qof dhaawac qabay oo rayid ahaa, iyadoo goobta laga qaaday lix qof oo dhaawacyo qaba" ayuu yiri ganacsade diiday in magaciisa la sheego oo halkaas ku sugnaa.

Ciidamo taabacsan kooxaha Dowladda ka horjeeda ayaa durba gaaray goobta uu qaraxu ka dhacay, kuwaasoo dadka kala eryay, bilaabayna inay baaritaanno kala ku sameeyay qaraxii Masaajidka hortiisa ka dhacay.

"Dhaawacyada qaarkood waxay ahaayeen kuwo halis ah, waxaa loo qaaday, aad ayaan uga argagaxnay wixii maanta dhacay, xaaladduna waa walaacsan tahay" ayuu yiri ganacsade halkaas ku leh goob ganacsi oo la hadlay HOL.

Qaraxan ayaa noqonaya kii ugu horreeyay oo halkaas ka dhaca, iyadoo Masaajidkan uu yahay midka ugu weyn oo ku yaalla Suuqa Bakaaraha, halkaasoo ay maamulaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee Dowladda Soomaaliya kasoo horjeeda.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya