Duqeymo iyo dagaallo khasaare geystay oo maanta galinkii danbe ka dhacay Magaalada Muqdisho

Talaado, 27, April, 2010 (HOL) Ugu yaraan 17 ruux oo ayaa ku dhintay 40 kalena waa ay ku dhaawacmeen Duqeymo ka dhashay dagaallo qeybo ka mid ah Magaalada Muqdisho ku dhaxmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya, Ahlu Sunna Waljameeca, AMISOM oo isku dhinac ah iyo waliba Xoogagga ka soo horjeeda.

Degmada Xamar-weyne oo ka mid ah deegaannada ay maamusho Dowladda Soomaaliya ayaa madaafiic ku soo dhacday waxaa ku geeriyooday 7 ruux oo rayid ah kuwaa oo Afar ka mid ah ahaayeen haween sida la sheegay mid ka mid ah Xaamilo aheyd waxaana ku dhaawacmay 20 ruux oo rayid ah.

Sidoo kale Madaafiic ku dhacday degmooyinka Hodan, Howl-wadaag, Wardhiiglley, Yaaqshiid, iyo Suuqa-weyn ee Bakaaraha ayaa waxaa ku geeriyooday ilaa iyo 10 ruux oo rayid ah halka sidoo kale ay ku dhaawacmeen 20 ruux oo isugu jirra qeybaha Bulshadu ka kooban tahay.

Madaafiicda ku dhacay qeybo ka mid ah degmooyinka Goballka Banaadir ayaa imanaya kadib dagaallo goos goos oo ku dhaxmaray Ciidamada Dowladda Soomaaliya iyo Xoogagga ka soo horjeeda inta u dhaxeysa wadada Dabka iyo Is-gooyska Barkaaraha ilaa haddana lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalaadaas.

Duqeymaha iyo dagaallada dhaxmaray Xoogagga isaga soo horjeeda Magaalada Muqdisho ayaa ku soo beegmaya xili maanta gaari laga soo buuxiyay Waxlxaha qarax lagu weeraray Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad ilaalinta oo dhawaan fariisin cusub ka sameystay Bankiggiin hore ee Ganacsiga kadib markii ay halkaa Dowladda ku rartay Barkacayaal degnaa..

Waa markii ugu horeysay oo Madaafiic ka timid Xoogagga ka soo horjeeda Dowladda Soomaaliya tirro intaa la eg ku dilaan deegaannada ay Dowladda maamusho, waxaana la oran karaa duqeymaha galabta lagu garaacay qaar ka mid ah degmooyinka Magaalada Muqdisho waa kuwii Sadaxaad oo Todobaad gudihiis ay ku dhintaan dad rayid ah oo intaa la eg.

Max'ed Xaaji Xusseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya.