Talaado, April 27, 2010 (HOL) Guddoomiyaha Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ee Degmada Diinsoor oo ka tirsan Gobolka Bay Sheekh Cabdulxayi Axmed Nuur iyo Saraakiil kale oo la socday ayaa ku dhaawacmay Qarax lagu weeraray oo xalay fiidkii ka dhacay degmadaas.
Qaraxa ayaa waxaa ku dhaawacmay 5-qof kuwaasoo ay ku jireen ilaaladii gaarka ahaa ee guddoomiyaha iyo saraakiil, waxaana weerarkooda uu yimid markii ay kasoo baxeen Masjid ay kusoo tukadeen Salaaddii Cishaha, inkastoo aanay jirin cid sheegatay weerarkaas.
Madaxa amaanka Gobollada Bay iyo Bakool ee Xarrakatukl Shabaab Sheekh C/raxmaan Mire Mataan oo saakay Saxaafadda kula hadlay Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ayaa sheegay in dhaawaca guddoomiyaha Diinsoor uu yahay mid fudud.
"Lama oga wuxuu weerarku ka dhashay, balse waxaa socda baaritaanno aan ku ogaanayno inuu ahaa bam gacanta laga tuura iyo walax kale oo aasnayd" ayuu yiri Madaxa Amaanka Gobollada Bay iyo Bakool, isagoo xusay in dhaawacyada lagu daweynayo Isbitaalka Diinsoor.
Mas'uulkan wuxuu sheegay in sidoo kale aanay jirin cid ay u qabteen weerarka, lase raadinayo kuwii ka dambeeyay, iyadoo goobjoogayaal ku sugan degmada Diinsoor ay sheegeen in qaraxa uu ahaa mid ka dhashay bam laga tuuray gacanta.
Degmada Diinsoor ayaa waxaa la sheegay in saakay ay daggan tahay, balse uu saaran yahay bandow ayna ka socdaan baaritaano adag, mana jirto weli cid sheegatay mas'uuliyadda weerarkaas.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
maxuseen@hiiraan,com
Muqdisho, Soomaaliya