SHEEKH AADAN MADOOBE: "Haddii danta Ummadda Soomaaliyeed ay ku jirto inaan xilka ka dago waan ka dagayaa waayo shacabka ayaa iga weyn"

Arbaco, April 21, 2010 (HOL) Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Sheekh Aadan Madoobe) oo maanta shir jaraa'id ku qabtay Muqdisho ayaa ka hadlay mooshinka ka dhan ah ee la wado iyo furmidda kulammada Baarlamaanka.

Sheekh Aadan Madoobe oo booqday xarunta Golaha Shacabka ayaa sheegay in Xildhibaannada wada mooshinka ka dhanka ah ay yihiin kuwo doonaya inay burburiyaan Qaranka Soomaaliyeed, taasna uusan ka aqbalayn.

"Qorshahan waa mid la doonayo in lagu burburiyo Dowladda Soomaaliya, si ay cadowgu uga faa'iideystaan in dalka uusan ka bixin dhibaatada, shacabkuna ay ku raagaan dhibka ay ku jiraan" ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Guddoomiyuhu wuxuu sidoo kale ka hadlay qabsoomidda kulanka ugu horreeya ee baarlamaanka oo lagu wado inuu ka dhaco xarunta Golaha Shacabka, isagoo xusay inuusan dib u dhacayn, balse ay jiraan waxyaabo u baahan dhameystir.

Sheekh Aadan Madoobe wuxuu sheegay in haddii danta Shacabka Soomaaliyeed ay ku jirto inuu xilka ka tago uu ka tagao; isagoo gaashaanka ku dhuftay in xilkiisa uu uga tago Xildhibaanno uu sheegay inay xiriir la leeyihiin Xarrakatul Shabaab.

"Haddii danta Ummadda Soomaaliyeed ay ku jirto inaan xilka ka dago waan ka dagayaa waayo shacabka ayaa iga weyn, inay badbaadaan ayaana ka wanaagsan inaan xilka sii hayo, balse shaqsi fowdo wada oo xiriir la leh Al-shabaab ugama tagayo shaqadayda" ayuu Guddoomiyaha Baarlamaanka.

Sidoo kale guddoomiyuhu wuxuu sheegay in xilliga Baarlamaanka iyo Xilliga Guddoonka ay yihiin kuwo isku xiran oo aanay jirin xilliyo kala duwan oo weligood loo kala sameeyay.

"Aniga waxaan Madaxweyne Sheekh Shariif ku wareejiyay xilka Madaxweynimo markii lagu doortay Jabuuti, marka ma doonayo inaan isku dhajiyo xil, waxaana qabaa in sharciga loo maro wixii khalad ah ee la igu haysto" ayuu yiri Sheekh Aadan Madoobe.

Golaha Shacabka oo uu ka dhacayo kulanka ugu horreeya ee Baarlamaanku uu yeelanayo ayaa waxaa ka muuqday dayactir, iyadoo halkaas ay yaalleen kuraastii ay ku fariisan lahaayeen mudanayaasha baarlamaanka haddii uu fadhigu furmo berri.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya