Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo loo gudbiyay mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya

Talaado, April 20, 2010 (HOL) Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya u gudbiyay Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed Mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Sheekh Aadan Maxamed Nuur Madoobe Talaaladii shalay ahayd.

Mooshinkan oo ay saxiixeen 301-mudane ayaa lagu sheegay inuu dhammaaday xilligii shaqo ee Guddoonka Baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo looga codsanayo Madaxweynaha Soomaaliya inuu faragelin ku sameeyo arrintan.

"Waxaan Madaxweynaha kula kulanay Aqalkiisa innagoo ah 150-mudane, waxaan ka codsanay in isagoo aan sharciga ka talaabsanayn uu soo dhexgalo khilaafka ka dhex taagan baarlamaanka Soomaaliya" ayuu yiri Xildhibaan Cumar Islow oo ah xoghayaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Xildhibaanku wuxuu sheegay in Madaxweynaha aysan ugu tagin inuu ka eryo shaqada Guddoomiyaha Baarlamaanka, balse hadafkooda uu ahaa inay ogeysiiyaan sharciyada ay cuskanayaan iyo mooshinka sida uu u qoran yahay.

"Madaxweynuhu wuxuu inoo sheegay inuu sida ugu dhaqsiyaha badan nagu siinayo Jawaab degdeg ah oo ku aadan Mooshinkeenna, waayo innagu waxaan qabnaa in xilligii shaqo ee Guddoonka Baarlamaanka uu dhammaaday" ayuu yiri Xildhibaan C/qaadir Shiddo oo ka mid ahaa mudanayaashii la kulmay Madaxweynaha.

Xildhibaanno kale oo ka tirsan baarlmaaanka ayaa iyaguna qaba inuusan waqtida shaqo ee guddoonka baarlamaanka uusan dhammaan, ayna dhacayso dowladda haddii guddoonka baarlamaanka uu dhaco.
Guddoomiyaha Baarlamaanka ayaa rumeysan inuusan xilligiisii shaqo dhamaan, waxaana firkadahan iska soo horjeeda ay imaanayaan iyadoo lagu wado in berri uu ka fumo Muqdisho kulankii Baarlamaanka Soomaaliya.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya