Talaado, April 20, 2010 (HOL) Wasiirka Lacagta Soomaaliya C/raxmaan Cumar Cismaan (Eng. Yariisow) ayaa sheegay in lacagta cusub ee badalaysa Shillinka Soomaaliga ay ku meel marin doonaan muddo shan bilood gudahood ah.
Eng. C/raxmaan Yariisow oo u warmayay warbaahinta Muqdisho ayaa sheegay in sameynta lacagta cusub ay gabogabo ku dhow-dahay ayna dhawaan soo baxayso, isagoo sheegay inay tahay mid loogu talogalay kobcinta dhaqaalaha dalka.
"Waxaan doonaynaa inaan lacagta cusub hirgelino markii ay soo baxdo, balse sababo ammaan awood ayaan dib ugu dhigaynaa, waxaana lasoo saari doonaa markii ay dowladdu la wareegto dalka oo dhan" ayuu yiri Eng. Yariisow.
Wasiirku wuxuu sheegay in sameynta lacagtan cusub ay ogolaasho kaga haystaan Hay'adda lacagta Adduunka ee IMF iyo Bankiga Calaamka isagoo xusay in tani ay qayb ka tahay sidii loosoo nooleyn lahaa dhaqaalaha dalka oo burburay.
"Lacagta Shilling Soomaaliga ah waxaa ku dhacay qiimo jab, waxaana khasab nagu noqotay inaan lacagtan cusub soo sameyno, hirgelinteedana aad ayaan ugu rajo weynahay" ayuu yiri Wasiirka Lacagta Soomaaliya.