Talaado, April 20, 2010 (HOL) Ciidamo Dowladda Soomaaliya ayaa saakay bilaabay inay baaritaanno ku sameeyaan gaadiidka u socda Suuqa Bakaaraha ee Muqdisho, iyagoo baaritaannada si siman ugu sameynayay gaadiidka iyo rakaabka la socda.
Baaritaannadan oo ay ciidamadu ka sameynayeen Jidka Dabka ee Muqdisho ayaa wuxuu ahaa mid ka adag kuwii hore ee ay sameyn jireen, iyadoo rakaabka loo baarayo shaqsi-shaqsi.
"Dhulka ayaa nala keenay waana nala baaray, xitaa jeebabka waa nalaga baaray, dhowr qof oo la haysto ayaan arkayay" ayuu yiri Axmed Ismaaciil oo ka mid ah dadkii baaritaannada ay ku sameeyeen ciidamada Dowladda oo ay la kulantay HOL.
Sidoo kale Darawallada Gaadiidka BL-ka ah wada ayaa sheegay in xitaa iyaga lagu sameeyay baaritaanno, sidoo kalena la baaray gaariga gudihiisa, iyagoo ku sheegay inay ahaayeen baaritaannadii ugu xoogganaa ee ay la kulmaan todobaadyadan.
Mas'uuliyiin Dowladad ka tirsan ayaa sheegay in baaritaannadan ay yihiin kuwo lagu adkenayo ammaanka, maadaama uu dhawaan ka dhacay Qarax waxyeello badan geystay degmada Waaberi, kaasoo lala beegsaday ciidamo Booliis ah.
"Dhowr qof oo baaritaanno lagu sameynayo ayaa laga soo dajiyay gaadiidkii saakay la baaray, haddii lagu waayo dambiga lagu eedeeyay waa la sii daynayaa, haddii lagu helana Maxkamad ayaa la saarayaa" ayuu yiri Madaxey oo ah taliyaha saldhigga degmada Waaberi.
Baaritaannadan ayay ku sheegeen rakaabka la socda gaadiidka inay yihiin kuwo adag oo aysan horay ula kulmin, waxaana Suuqa Bakaaraha ee gaadiidka u socda la baarayo gacanta ku haya Xoogagga Dowladda kasoo horjeeda.
Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya
Ciidamada Booliiska iyo kuwa Milatariga Dowladda Soomaaliya oo saakay baaritaanno ku bilaabay gaadiidka u socda Suuqa Bakaaraha
More News
- Dagaal culus oo deegaan ku dhaw degmada Dhuusa-mareeb ee Goballka Galgaduud ku dhaxmaray Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca iyo Xarrakada Ah-shabaab..
- Maydadka dad la gowracay oo maanta laga helay Muqdisho Magaalada
- SHEEKH AADAN MADOOBE: "Haddii danta Ummadda Soomaaliyeed ay ku jirto inaan xilka ka dago waan ka dagayaa waayo shacabka ayaa iga weyn"
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo maanta galay degmada Ceelbardee ee Gobolka Bakool oo maalin ka hor la wareegeen Xarrakatul Shabaabul Mujaahiidiin
- Wasiirka Lacagta Soomaaliya oo sheegay in muddo shan bilood ah ah ay ku dhaqangelin doonaan lacagta cusub ee lagu badalayo Shilling Soomaaliga
- Puntland oo Ciidamo la Dagaalama Burcadda Badeed u Diraysa Degmada Garacad ee G/Mudug
- Qoysas sheegay in si khasab ah ay ciidamada Dowladdu kaga saareen guri kasoo horjeeda Madaxtooyada Soomaaliya oo ay Milkiyadooda leeyihiin
- Darawallada Gadiidka aada Gobollada Dalka ee ku sugan magaalada Kismaayo oo ka cabanaya Shaqo La’aan soo foodsaartay
- Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo loo gudbiyay mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya
- Khasaaraha ka dhashay dagaal shalay ka dhacay deegaanno ka tirsan Goballka Galgaduud oo sii kordhaya.
- Daahir Max'uud Geelle :-- Wasaarrada warfaafinta ayaa nidaamineysa wixii khalaadaad ah ee ka dhica Warbaahinta, Idaacaduhuna waa u madaxbanaan yihiin howlaha ay qabanayaan.