Arbaco, 21, April, 2010 (HOL) Maamulka Puntland ayaa Qorshaynaya in Ciidamo xoogan loo diro degmada Garacad oo ka tirsan Gobolka Mudug ,halkaasi oo afduub loogu haysto dhowr Markab oo Beesha Caalamka laga leeyahay.
Waxaa La sheegay in Ciidamadan ay weerari doonaan xarumo dhowr ah oo ay Burcad badeedu ku leeyihiin degmadaasi ,isla markaana xoog looga sii daynayo maraakiibta ay haystaan.
Taliyaha Ciidamada Birmadka Puntland C/risaaq Axmed Gantaal oo la hadlay qaar ka mid ah warbaahinta Bosaaso ayaa sheegay in howlgalo balaaran ay ka fulin doonaan degmada Garacad oo aan horay loo gayn ciidamo ka tirsan Puntland.
Waxaa kaloo Taliyaha uu sheegay in Howlgalo laga fuliyay degmada Baargaal ay ku guulaysteen Ciidanka Birmadka ,kaasi oo lagu soo qabqabtay kooxo ka tirsan Burcad badeeda Somaalida oo halkaasi ku sugnaa.
"Cidii is hortaagta Hawlgalada la fulin doono,Waxaa la marsiin doonaa Sharciga u dagan Puntland, Burcaddana waan la dagaalamaynaa" ayuu yiri Taliyaha isaga oo ku sugan degmada Bosaso.
Maamulka Puntland ayaa bilaabay dadaalo hor leh oo lagula dagaalmayo Burcad badeeda ,ka dib markii Guddi ka tirsan Qaramada Midoobay uu saaray Warbixin ku aadan in Hogaanka Puntland iyo Burcadd badeeda ay Xiriir leeyihiin.
Dhawaan Degmada Baargaal waxaa tagay Ciidamo ka tirsan Birmadka ,Waxaana la hadal hayaa sida ay suurtagal ku noqonayso in Burcadd Badeeda laga sifeeyo Degmada Garacad oo ah meel ay awooda badan kuu leeyihiin.
Faisel Maxamed Hassan,Hiiraan Online
[email protected]
Bosaso,Somaliya
Puntland oo Ciidamo la Dagaalama Burcadda Badeed u Diraysa Degmada Garacad ee G/Mudug
More News
- Dagaal culus oo deegaan ku dhaw degmada Dhuusa-mareeb ee Goballka Galgaduud ku dhaxmaray Xoogagga Ahlu Sunna Waljameeca iyo Xarrakada Ah-shabaab..
- Maydadka dad la gowracay oo maanta laga helay Muqdisho Magaalada
- SHEEKH AADAN MADOOBE: "Haddii danta Ummadda Soomaaliyeed ay ku jirto inaan xilka ka dago waan ka dagayaa waayo shacabka ayaa iga weyn"
- Ciidamo Itoobiyaan ah oo maanta galay degmada Ceelbardee ee Gobolka Bakool oo maalin ka hor la wareegeen Xarrakatul Shabaabul Mujaahiidiin
- Wasiirka Lacagta Soomaaliya oo sheegay in muddo shan bilood ah ah ay ku dhaqangelin doonaan lacagta cusub ee lagu badalayo Shilling Soomaaliga
- Ciidamada Booliiska iyo kuwa Milatariga Dowladda Soomaaliya oo saakay baaritaanno ku bilaabay gaadiidka u socda Suuqa Bakaaraha
- Qoysas sheegay in si khasab ah ay ciidamada Dowladdu kaga saareen guri kasoo horjeeda Madaxtooyada Soomaaliya oo ay Milkiyadooda leeyihiin
- Darawallada Gadiidka aada Gobollada Dalka ee ku sugan magaalada Kismaayo oo ka cabanaya Shaqo La’aan soo foodsaartay
- Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo loo gudbiyay mooshin ka dhan ah Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya
- Khasaaraha ka dhashay dagaal shalay ka dhacay deegaanno ka tirsan Goballka Galgaduud oo sii kordhaya.
- Daahir Max'uud Geelle :-- Wasaarrada warfaafinta ayaa nidaamineysa wixii khalaadaad ah ee ka dhica Warbaahinta, Idaacaduhuna waa u madaxbanaan yihiin howlaha ay qabanayaan.