Daahir Max'uud Geelle :-- Wasaarrada warfaafinta ayaa nidaamineysa wixii khalaadaad ah ee ka dhica Warbaahinta, Idaacaduhuna waa u madaxbanaan yihiin howlaha ay qabanayaan.

Arbaco, 21, April, 2010 (HOL) kadib markii Wasiirrka Wasaarrada Warfaafinta Dowladda Soomaaliya Daahir Max'uud Geelle maalintii shalay amar ku bixiyay in ay dib howlahoodii u bilaabaan Idaacado ku yaalla goobaha ay Dowladdu maamusho oo ay xirreen Mas'uuliyiinta Maamulka Goballka Banaadir, ayuu sheegay Wasiirrka Wasaarrada Warfaafinta in talaabada lagu xirray Idacaadahaasi aheyd mid xad gudub ku ah shaqada Wasaarradiisa.

Daahir Max'uud Geelle Waxaa uu sheegay in Dowladda Soomaaliya marnaba qorshaheedu aheyn in la caburiyo Warbaahinta, isaga oo intaa ku daray in Idaacaduhu u madaxbanaan yihiin qaadashada go'aamada hadba iyaga la waagsan, waxaana uu intaa ku darray in Wasaarradu uga cudurdaareyso Idaacadaha mudadii koobneyd ee hawada laga saaray.

'' Waa ku kalsoonahay Mas'uuliyiinta Idaacadaha, waana kuwo yaqaanna howlaha ay qabanayaa iyo waxa iyaga u dan ah, marka ma dooneyno in aynu faraglin hoose ku sameyno howlahooda gaarka ah, ayuu yiri Daahir Max'uud Geelle.

Dhinaca kale mar uu ka hadllay sida uu u arko dhinaciisa in Idaacado ka howlgala goobaha ay Dowladdu maamusho u hogaasamaan amar ka soo baxay mid ka mid ah kooxaha ay iska soo horjeedaan ee Xisbul Islaam ayuu sheegay in arrintaasi tahay mid qeyb ka ah dhibaatada guud ee Bulshada lagu hayo, sidaa daraadeed wax dhici kara ma'aha iyada oo la eegayo daruufaha nolaleed ee bahda Saxaafada in aynu qatar ku galino jabinta amar ay soo saareen kooxo manaxayaal ah oo baneystay sida uu hadalka u yiri dhiiga dadka Muslimka ah.

Sidoo kale mar uu soo hadal qaaday in khilaaf soo kala dhaxgalay Maamulka Goballka Banaadir iyo Wasaarrada Warfaafinta loo arki karro amarada iska soo horjeeda ee mar kaliya ka soo wada baxay ayuu sheegay in Dowladnimadu dadka bareyso in marka ay Hay'ad qaldanto markiiba Hay'addaha kale saxaan, sidaa daraadeed waxaa uu yiri khilaaf looma arki karro ee waa Biseyl dhinaca Siyaasada ah oo la gaaray.

Xog-hayaha guud ee Maamulka Goballka Banaadir C/kaafir Hilowlle Cismaan oo xalay u la hadllay Idaacada VOA-da ayaa u tilamaamay Idaacadaha ka howlgala goobaha ay Dowladdu maamusho kuwo la shaqeeya Mucaaradka islamarkaana gacan bir ah lagu qaban doono, waxaana uu intaa raaciyay in haddii aysan u hogaasimin amarka ka soo baxay Maamulka Goballka Banaadir lagu fulin doono labo qodob oo kala ah in la ganaaxo ama laga qaato qalabka ay ku shaqeeyaan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya