Darawallada Gadiidka aada Gobollada Dalka ee ku sugan magaalada Kismaayo oo ka cabanaya Shaqo La’aan soo foodsaartay

Arboco, April 21, 2010 (HOL) - Darawallada Gaadiidka Rakaabka ah iyo kuwa ganacsi ee jooga magaalada kismaayo ee isaga kala gooshi jiray qaar ka mid ah gobollada dalka soomaaliya ayaa ka cabanaya shaqo la’aan soo foodsaartay kadib markii ay roobab lixaad leh ka da’een gobollo badan oo ka tirsan koonfurta wadanka Soomaaliya.
 
Mar aan saaka booqday boosteejooyinka gawaarida aada magaalooyinka Muqdisho iyo Baardheere ayaa waxaan halkaasi kula kulmay qaar kamid ah darwallada gaadiidka ka dhex shaqeeya magaalooyinkaasi waxa ayna ii sheegeen in roobabkii ugu danbeeyay ee ka da’ay gobollada Jubooyinka, Sh/hoose iyo Gedo ay sababeen in uu hakad ku yimaado isu socodka gaadiidka ganacsiga iyo midka rakaabka ah ee ka dhex shaqeyn jiray gobollada Jubooyinka, Gedo iyo banaadir.
 
Roobabka gu’ga ayaa waxa ay si weyn uga curteen gobollo badadan oo katirsan koonfurta wadanka Soomaaliya iyadoo gobollada Jubooyinka, Sh/hoose iyo Gedo ay kamid yihiin gobollada ay sida weyn uga da’een roobabka Gu’ga, waxaana ay roobabkaasi sababeen in ay hakad geliyaan isu socodka gaadiidka ganacsiga iyo midka rakaabka ah ee isaga kala goosha gobolladaasi.
 
Shaqo la’aanta soo foodsaartay gadiidleyda ka sokow waxaa roobabkani soo dhaweeyey beeraleyda gobollada Jubooyinka oo iyagu sheegay in ay si weyn u sugayeen in ay curtaan roobabka da’a xilliga gu’ga si ay uga faa’ideystaan islamarkaasina u beertaan dalagyadooda kala duwan.
 
Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo, Soomaaliya