Qoysas sheegay in si khasab ah ay ciidamada Dowladdu kaga saareen guri kasoo horjeeda Madaxtooyada Soomaaliya oo ay Milkiyadooda leeyihiin

Talaado, April 20, 2010 (HOL) Qoysas daganaa guri kasoo horjeeda Madaxtooyada Soomaaliya ayaa sheegay in xoog looga saaray gurigooda, kaasoo ay sheegeen inay iyagu milki ahaan u leeyihiin.

Xamdi Daa'uud Jaamac iyo Luul Faarax Warsame waxay ka mid yihiin qoysaska laga saaray gurigaas, waxayna sheegeen in shalay alaabtooda dibadda loo dhigay laguna amray inay ka guuraan halkaas, iyagoo sheegay inaysan garanayn meel ay aadaan.

"Ciidamo badan oo ka mid ah kuwa Dowladda ayaa guriga soo galay, waxayna bilaabeen inay alaabaheennii xooraan, iyagoo nagu yiri guriga waa mid ay leedahay Dowladda" ayay tiri Xamdi Daa'uud Jaamac oo intaas raacisay: "Waxay ciidanku naga qaateen lacag yar oo aan haysanay".

Luuq Faarax ayaa iyaduna sheegtay in xalay loo diiday inay gurigooda galaan, loona sheegay in halkaas ka tagaan berri, iyadoo sheegtay in guriga uusan ahayn mid ay dowladdu leedahay, balse ay iyagu leeyihiin oo ay u arkaan ka saariddan mid awood loogu sheeganayo.

Sarkaal ka tirsan Dowladda Somalia ayaa sheegay in qoysaska gurigaas uu yahay mid ay dowladdu leedahay, lana siiyay shan qoyso o dagganaa lacago min 750-Dollar ah, si ay guryo kale ugu kireystaan, balse saddex qoys ay diideen inay guuraan, taasna ay keentay in shalay xoog looga saaro.

"Qoysaskii gurigaas ku noolaa laba ka mid ah way gureen, saddexdii kaelna way diideen, haweenkan qaylinayana saddexaad ayay ka mid yihiin, mana lahan guriga" ayuu yiri sarkaalka u hadlay Dowladda oo aan magaciisa sheegin.

Dowladda Somalia ayaa ku howlanaa todobaadyadan inay ka guryaha ku dhow Madaxtooyada ka saaraan dadka shacabka ah ee daggan, iyadoo tallaabadaas lagu sheegay inay tahay mid lagu sugayo ammaanka Madaxtooyada.

Maxamed Xaaji Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya